Somaliland: Muwaadin reer Jabbuuti Ah Oo Caddaalad-darro Ka Tirsaday Guryo Ay Hargeyska Ku Leeyihiin Oo Mulkiyad Been Abuur Ah Loo Samaystay+AKHRI Dhukumentiyada Saxda Ah Ee Ardiyadda

??????????????

Waxaa uu Naqdiyey Kaalin Uu Sheegay In Maayarka Caasimaddu Ku leeyahay Fududaynta Mulkiyaddan Been Abuurka Ah Oo Lagu Dhaxal WAreejinayo Hantidoodii Maguurtada Ahayd

Muwaadin Naasir Cabdilaahi Nuur oo ah muwaadin reer Jabuuti ah sidoo kalana u dhashay  somaliland  ayaa cabasho xoogan ka muujiyay cadaalad darooyin faro badan oo lagula kacay,waxaanu dhibanahan oo warbaahinta u waramay sheegay in xoog lagaga haysto guryo ay kulahaayeen magaalada Hargaysa, isaga oo bedka soo dhigay arimo laf jab ku ah Maamulka Dawlada Hoose ee Caasimada Hargaysa, ka dib sida uu sheegay dhibanahani markii maayarka caasimada Hargaysa  mulkiyad been abuur ah uu u sameeyay dad kiro ahaan ugu jiray bakhaaro ay ku leeyihiin Badhtamaha caasimada Hargaysa.

Muwaadinkan reer jabuuti ayaa sidoo kale soo bandhigay kala duwanaanshaha waraaqahan been abuurka ah ee loo samaystay sedexda guri ee ay ku leeyihiin badhtamaha suuqa Hargaysa oo mudo dheer kiro loogu jray ayna u samaysteen kiraystayaashii ku jiray.

Sidoo kale Muwadin Naasir ayaa fashiliyay  in shaqsiyaadka degan guryahan kirada ugu jiraa ay ardiyadahan been abuurka ah ee ay sameysteen ay baananka kaga qaateen lacago  Faro badan

Mr. Naasir ayaa maayarka caasimada Hargaysa   ku eedeeyay in dhamaan lahaanshaha been abuurka ah ee  qaarka mida dadkii markii hore  kirada ugu jiray   xiligana samaystay ducomentiga been abuurka ah  iyagoo mid ka mid ahi uu ku doodayo in laga iibiyay  halka qoyska iska leh gurayahan ay ku eedeeyeen maayarka iyo xubno maxkamaduhu in ay ku gacansiinyeen samaysiga waraaqahan sharci darada ah..

Haddaba waxaanu halkan hoose idiinku soo lifaaqnay Dhukumentiyada Ardiyadda sharciga ah ee ay leeyihiin guryahan ay Muwaadinkan iyo qoyskoodu dhaxleen.

Comments

comments