Somaliland: Haweenka Degmada Axmed Dhagax oo Muujiyey Taageeradooda Xisbiga KULMIYE

Haweenka ku dhaqan degmada Axmed Dhagax ee caasimadda Hargeysa, ayaa muujiyey taageeradooda ay u hayaan xisbiga KULMIYE.
Xaflad ka dhacday huteelka Green Plaza ee magaalada Hargeysa maanta oo ay isugu yimaadeen haween tiro badan oo ka soo jeeda degmada Axmed Dhagax ayey ku soo bandhigeen baaxadda taageeradooda xisbiga KULMIYE iyo siday diyaarka ugu yihiin doorashada murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).
Saraakiil ka tirsan Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE oo ka qaybgalay xafladdaasi, ayaa hadallo ay ka jeediyeen halkaasi ku sheegay in is-muujinta haweenka degmada Axmed Dhagax ee taageerada KULMIYE ay marag u tahay sida bulshada ku dhaqan degmadaasi ula jirto xisbul-xaakimka Somaliland, isla markaana ay diyaar u yihiin inay mar kale dib u doortaan.

Comments

comments