Somaliland: Faysal Cali Waraabe Oo Si Rasmi Ah U Wareejiyay Hawlihii Xisbiga Ucid

Date:

Murashaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa hawlihii xisbiga UCID ku wareejiyay guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbigaas Maxamed Cali Xirsi.

Qoraal uu Faysal soo saaray oo uu u diray guddiga doorashooyinka, wuxuu ku wargeliyay inuu ku koobnaan doono hawlaha doorashada madaxtooyada iyo ololaha, laakiin uu hawlihii xisbiga ku wareejiyay masuulkan. Qoraalka ayaa u qornaa sidan “Waxaan idinku war galinayaa anigoo ah musharaxa madaxweynaha xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe in aan Md,Maxamed Macalin Xirsi oo ahaa gudoomiyihii kumeel-gaadhka ahaa ee xisbiga laga bilaabo maalintii taariikhdu ahayd 23/9/2017 uu sii wadaayo hawlaha xisbiga. Sidaas daraadeed waxaan u madax banaanaanayaa hawlaha ollolaha doorashada madaxtooyada oo kaliyaata.”

Geesta kale xisbiga UCID ayaa saaka furaya ololaha xisbiyada qaranka ee doorashada madaxtooyada, waxaana ku xigi doona xisbiga kulmiye, halka uu axadda isna geli doono xisbiga Waddani, ka dib markii ay guddiga doorashadu soo bandhigeen jadwalka ololaha xisbiyada, waxaanu xisbi weliba leeyahay 7 maalmood, guud ahaana wuxuu ololuhu soconayaa 21 maalmood.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...