US: Donald Trump oo lagu haysto Sawir farshaxan ‘been abuur ah’ oo gurigiisa yaala

Date:

Muran ayaa ka taagan sawir farshaxan ah oo uu labo qarni ka hor gacanta ku sawiray farshaxaniiste u dhashay dalka Faransiiska oo lagu magacaabo Pierre-Auguste Renoir , wuxuuna lugaha lasoo galay madaxweynaha Maraykanka Donald T

Trump, oo ay caad u yihiin muradana kuwan oo kale ah, ayaa waxa uu sheegtay in sawir darbiga gurigiisa ku dhegan oo muujinaya labo gabdhood oo walaalo ah, ahna kan uu gacanta ku sawiray farshaxaniistaha Faransiiska ah in uu yahay kii asalka ahaa.

Balse dhibka jira ayaa ah in farshaxankii asalka ahaa uu muddo 80 sanadood ah suranyahay darbiga madxafka Chicago.

Waxaan u sheegay in farshaxanka asalka ah uu suranyahay madxafka Chicago, balse wuxuu yiri kaas waa been abuur, kayga ayaa asalka ah

Tim O’brien, Ninka qoray buugga ‘TrumpNation’
Afhayeen u hadashay madxafka ayaa sheegtay in sawirka uu Trump haysto uu yahay mid la been abuuray, waxay intaasi ku dartay in farshaxanka uu madxafka ugu deeqay qof kusoo iibsaday lacag dhan $100,000 doolar muddo 80 sano ka hor ah.

Ninka lagu magacaabo Tim O’brien oo buug ka qoray taariikha Trump ayaa sheegay in markii uu buugga qorayay uu Trump weeydiiyay in farshaxanka darbiga u suran uu yahay kii asalka ahaa iyo in kale, kadibna Trump uu ku adkaystay in uu yahay kii asalka ahaa.

“Waxaan u sheegay in farshaxanka asalka ah uu suranyahay madxafka Chicago, balse wuxuu yiri kaas waa been abuur, kayga ayaa asalka ah” ayuu yiri O’Brien.

Trump ayaa horay dacwad ugu furay O’Brien, sababtuna waxa ay ahayd in buuggiisa uu ku qoray in Trump lacagta uu haysto ay ka yartahay $150 milyan, islamarkaasina uusan ahayn Bilyan dheer sida uu sheegto isaga.

Dacwaddii ayaa markii dambe daaqada laga tuuray.

Bishii June ee sanadkan, majallada Time ee dalka Maraykanka ayaa Trump ku eedeysay in uu been abuurtay bogga hore ee majallada, taas oo uu isaga ku sawiranyahay, laguna ammaanayo.

Bogga hore ee Majallada Time ee uu been abuuray Trump

Time waxa ay sheegtay in xilliga meesha ku qoran ay bogga hore ku sawirnayd atarashiida aflaamta ee lagu magacaabo Kate Winslet oo sanadkaas 2009-kii ku guuleysatay atariishada ugu wanaaggsan ee Hollywood-ka.

Trump ayaa sawirka majallada been abuurka ah ku dhegsaday goobo ganacsiyo ah oo uu leeyahay.

Trump kama uusan jawaabin sheegashooyinka cusub eek u saabsan farshaxanka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...