Somaliland: Wasiir Qabyotire Oo Sheegay In Uu Hiil Iyo Hooba Lagarab Taaganyahay Muuse Biixi.

“Anagu Waxaanu Hiil iyo Hooba la Hareero Taaganahay Muuse Biixi Cabdi ilaa inta aanu Kursiga Dalka u Sareeya ku Fadhiisinaynana Sidaa ayaanu Gacmaha isu Haysanaynaa”

Waxaan si Rasmiya ugu Warejinayaa Gudida Kaanbaynka Ee Gobolka Maroodijeex iyaguna waxay Kusii Wareejin Doonaan Gudida

Waxaa Farxad Noo Ah inaan Maanta Wareejiyo Gaadiid Tiradoodu Tahay 4 Oo Aan ugu Talagalay Gobolka Hawd Waqtiga Kaanbaynka iyo 1 aan ugu Talo Galay Gobolka Maroodijeex

Baabuurtaas waxay ka Hawl Gali Doonan Afar Degmo Oo Kala Ah Baligubadle, Balicabane, Gunburha iyo Degmada Seyla Sida ay Magacyadooda ka Muuqato islamarkaana Aanu Ku Xaradhnay Calaamadii Xisbiga Kulmiye Ee aynu Ku Abtirsano Dhawaana Waxay Bilaabi Doonaan Shaqadooda

Waxaan si Rasmiya ugu Warejinayaa Gudida Kaanbaynka Ee Gobolka Maroodijeex iyaguna waxay Kusii Wareejin Doonaan Gudida Degmooyinka aan ugu Talo Galnay u jeedu Kale Kama Lihi.

Gaadiidka Xisibiga Kulmiye Ololaha ku gali doono Gobolka Hawd

Waa Xisbi aynu ku Abtirsano Kulmiye Kaliya waxay iga tahay dardar Galin Hawlaha Mugga Leh Ee inugu Soo Socda,Waxaanan Doonayaa in Lagu Daydo Maaha in Aynu Hogaanka Xisbiga ama Xukuumada Wax Ka Doono,Qof Kastaaba Waxbuu Qaban Karaa Xitaa Calan ayaa lasoo iibin Karaa

Hadaad Aragteen Hogaanka Xisbiga Madaxweynaha Mustaqbalka Hoygiisa Hargeysa Mar walba Waa mashquul,Wax kale Maaha Ee iyaguunba Wax laga Doonayaa Laakiin Sidaa Maaha Waxaan Rabaa inay Dadkeenu Bartaan inay Siyaasadu Ku Wanaagsntahay Wadaaga,Wax istarka iyo isla Qabashada Waayo Waynu Wada Leenahay Waa Xisbigiinee

Dad Badani waxay is Odhanayaan Lacagtan Ma Xukuumadaa Mise Waa Wasaarad,Maya Waa Mid Shakhsiyan ah,Markaa Waxaan Rabaa in Laygu Daydo Oo Wasiirada iyo Maamulada kale igu Daydaan.

Waxaad arkeyseen oo Maqleyseen Odayaal Reerka ah Oo Cararay Waxaan Leeyahay Hangaraarac Lug uma Dhitayo Reerku intaa Waa Ka Weyn Yahay anaguna Taageeridadii,Tamartii iyo tacabkii Xisbiga aanu U Haynay Muuse Biixi Cabdi Waa ku Daba Galaynaa Waanan Ku Taageersanahay

Waxaa la Lahaa Maalmahan Waa Lagu Waayay Hadaanu Maqanahay iyo Hadii aan Joogaba Xisbiga ayan u Joogaa,Wax iska Badalayaana Ma Jiro,Muuse Maanta Guusha Ma Helin Ee Hore ayuu u Helay,

Waxaa Ogaydeen Waqtigii Muuse La Dooranayay in Musharax uu isna Noqday axmed kijaandhe Oo Dhinacayga Taagan Oo inderkay ah umaanan Codeyn Ee Muuse ayaanu ugu Ridnay Hadaanu axmed ka Leexanahay ma naga Filaysaan inaanu Meel kale u Leexanayno

Anagu Waxaanu Hiil iyo Hooba la Hareero Taaganahay Muuse Biixi Cabdi ilaa inta aanu Kursiga Dalka u Sareeya ku Fadhiisinaynana Sidaa ayaanu Gacmaha isu Haysanaynaa.

Comments

comments