Kenya: Hayadaha Xuquuqal Insaanka oo Booliska Dalkaasi Eedeeyey

Date:

Laba urur oo kuwa xuquuqda aadanaha u dooda ah ayaa ku booriyey dawladda Kenya in ay baadho oo ay la xisaabtanto askarta booliska ah ee lagu eedeeyey in ay laayeen tobanaan qof intii ay socdeen mudaharaadii dhacayey doorashadii madaxtinimada ee bishii August ka dib.

Warbixin ay soo saareen Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa booliska ku xidhiidhisay dhimashada ku dhawaad todobaatan qof oo lagu dilay dalka oo badankoodu ku dhinteen caasimadda Nairobi.

Warbixintu waxay ku eedaynaysaa booliska in ay xiisadda taagan sii cakireen maadaama oo ay ciidan aad u xoogan dhigeen goobaha qalalaasuhu ka dhici karayey. Waxaanay ururadaa xuquuqda aadanaha u doodaa sheegeen in adeegsiga awoodda xad dhaafka ahi hab dhaqan u noqotay hawl gallada booliska Kenya.

Todobaadkii hore ayaa musharaxii isbahaysiga ugu wayn mucaaradka, Raila Odinga, wuxu ka baxay tartanka doorashada ku celiska ah ee madaxtinimada ee la qoondeeyey in la qabto dabayaaqada bishan. Waxaanu sheegay in aanu rumaysnayn in la qaban karo doorasho xor ah hadii aan dib loo habayn hannaanka doorashada ee dalka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...