Somaliland: “Dhalinyarada Aqoonta Leh Xilka Saarani Waxa Weeye In Ay Qaataan Hal-ku-dhiga Ah ‘Dalkayga Maxaan U Qabtaa’”

Date:

Murrashax Muuse Biixi Cabdi oo Sharraxay Himilada KULMIYE iyo Kaalinta Dhallinyarada ee Horumarka dalka

Guddoomiyaha KULMIYE , ahna Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sharaxaad ka bixiyay hadafka siyaasadeed ee xisbiga oo uu ku tilmaamay himilo ay ku dhererantahay midnimada qaranka iyo Somaliland oo ka mid noqota dalalka aqoonsiga haysta ee adduunka. Murrashax Muuse Biixi waxa uu sheegay in Somaliland ay u baahan tahay dhalinyarada aqoonyahanka ah ee ka soo baxay jaamacadaha dalka inay naftooda u huraan qaranka, waxaanu u soo jeediyay in ay fekerkooda iyo aqoontooda ugu midoobaan sidii ay waddanka ugu horumarin lahaayeen.

Guddoomiyuhu waxa uu sidaasi ka sheegay xaflad xisbiga KULMIYE ku soo dhaweeyey dhallinyaro aqoonyahan ah oo ku soo biiray habeen hore, waxaannu siiyey dardaaran culus oo la xidhiidha horumarinta qaranka Somaliland. “Waxaynu doonaynaa in aynu hadafkeena isla helno, innagu ka KULMIYE ahaan waxaynu u soconaa waa in aynu qarankeena dhisno, waxaynu u soconaa oo ay himiladeenu ku dhererantahay in aynu gaadhsiino qaranka Somaliland oo adduunku ictiraafo oo aynu ka mid noqono adduunka iyo dawladaha jira iyo in aynu iska reebno oo aynu meel cad ku soo kala hadhno innaga iyo qolyaha Muqdisho ee innaga daba qaylinaya wax ka badan labaatan sanno,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Waxa inoo ballan ah in aynu hadafkeena midayno oo dhammaan Somaliland ay noqoto dal wadashaqaysta, is ogol, dalka wada leh, meel u wada jeeda oo lagu dhaato Somaliland ee aan lagu dhaadan reer hebel ama qabiil.” Murrashax Muuse Biixi waxa uu ka hadlay waajibaadka horyaala dhallinyarada iyo waayeelka reer Somalilnad, waxaannu yidhi “Dhallinyarada xil baa saaran, waayeelkana xil baa saaran, dadka waaweyn xil baa saaran oo waxa weeye dhalinyarada in ay u sheegaan waayihii ay soo mareen iyo khaladaadkii ay soo galeen, si ay uga baydhaan, talo ahaana ay u tilmaamaan halka ay danta qaranku ku jirto. Dhalinyaradana xilka saarani waxa weeye  in ay qaataan halku dhigii ninkii Maraykanka ahaa ee  John F. Kennedy oo ah dalkayga maxaan u qabtaa ee aanad ka bilaabin dalkaygu muxuu ii qabanayaa.” Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu sheegay in dalka Somaliland u baahanyahay dhallinyarada aqoonyahanka ah oo dalkooda nafta u hura, isagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Dalkeenu wuxuu u baahanyahay aqoonyahan nafta u hura oo aqoonta uu gaarka u leeyahay dalka wax ugu qabta, Jaamacadaha Somaliland gudaheeda ah waxa ugu badan ee lagu barto waxa ka mid ah dhaqaalaha iyo IT-ga, waxaynu u baahanahay dhalinyarada dhaqaalaha taqaana oo ka talo bixisa oo barnaamijyo ku soo bandhigta xaalada dalku ku sugan yahay iyo sidii uu dalku uga bixi lahaa saboolnimada ee uu horumar dhaqaale u gaadhi lahaa. Aqoontaa lagama rabo Suldaanka iyo Caaqilka, waxa laga rabaa aqoonyahanka dhaqaalaha bartay, maaha shaqo ayaa la isiinwaayay oo waan niyad jabayaa, dabadeedna nafta ayaan haligayaa, dhallinyarada loogama baahna, laakiin waxa looga baahanyahay in ay maskaxda tuujiyaan oo ay isu tagaan oo ay keenaan afkaartii dalka lagu horumarin lahaa. Dhalinyarada waxa saaran xilkaas oo ay muruqooda iyo maskaxdooda u huraan dalka.”

Ugu dambayntii,  waxa uu tilmaamay in Somaliland ay horumar ku gaadhi karto dhalinyarada aqoonyahanka ah ee ka soo baxday jaamacadaha dalka oo soo bandhiga afkaar aqoontooda ku dhisan, “Dhallinyarada aqoonyahanka ah ee Jaamacadaha ka soo baxay ee niyad-jabsan, hadday shaydaanka iska naaraan, is urursadaan oo ay xoog noqdaan, dhibaatooyin badan oo jira ayey wax ka qaban kari lahaayeen, cusbitaalka ayey wax ka qaban lahaayeen, dadka ayey isku xidhi lahaayeen, dhallinyarada waxaan leeyahay xilku idinka ayuu idin saaraan yahay,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...