Weftigii uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Axmed Xaashi Cabdi oo ay wehelinayeen Wakiilka Somaliland u fadhiya Jabuuti, Cabdifataax Siciid Axmed iyo xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin oo ka tirsan Golaha Wakiillada, ayaa booqasho ku tagay dalka Ruushka oo maalmaha soo socda ay la kulmi doonaan masuuliyiin ka tirsan dawladda Moscow.
Weftigu waxay maalmihii u dambeeyay booqasho ku tageen dalka Chechnya, waxaanay safarkooda ku macneeyeen inay la xidhiidhay sidii ay u soo abuuri lahaayeen cilaaqaad siyaasadeed oo ay yeeshaan Somaliland iyo Chichnya. Waxay intaas ku dareen inay Chichnya kula kulmeen Wasiirka Khaarajiga iyo saraakiil ka tirsan wasaaradiisa. Waxa kaloo ay sheegeen inay is arkeen jaamacado ku yaalla dalkaas oo ay u bandhigeen sidii ay ardayda Somaliland u siin lahaayeen deeq waxbarasho.