Somaliland: Dawlada Ingiriiska Oo Si Culus Indhaha Ugu Haysa Doorashada Madaxtooyada SOmaliland Iyo 60 goob jooge oo ay usoo dirayso

Date:

Dawlada Ingiriiska ayaa mar kale waxay cadaysay inay maalgalisay 60 goob jooge caalami ah oo kormeeraya doorashada madaxtooyada Somaliland,kuwaas oo doorashada ka hor dalka iman doona.

Xildhibaan Kerry MC Carthy oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ayaa wasiiru dawlaha Ingiirska u qaabilsan Afrika iyo dalalka Barwaaqo Sooranka Rory Stewart,waxaanay waydiisay bal inay dawlada Ingiriisku Somaliland u dirayso goob joogayaal soo kormeera doorashada madaxtooyada Somaliland.

Wasiir Rory Stewart ayaa su’aashan kaga jawaabay

“Ingiriisku waxa uu lacag dhan 202,017 oo lacagta Ingiriiska ah ku bixinayso goob joogayaal caalami ah oo xoog badan oo kormeera doorashada madaxtooyada Somaliland ee dib ugu dhacday hadda qorshaysan 13 November.Kadib qandaraas lagu tartamay goob joogayaasha kormeeraya doorashada waxa hogaamin doona jaamacadda la yidhaahdo University Collenge London.”sidaas ayuu yidhi Rorry Stewart.

Geesta kale xubno ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ayaa iyaga la filayaa inay goob joog ka noqdaan doorashada madaxtooyada Somaliland,waxaana ay arrimahani muujinayaan sida ay dawlada Ingiriisku indhaha ugu hayso doorashada madaxtooyada Somaliland ee loo dareeri doono 13 November 2017.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...