Siyaasiga Cabdirashiid Xasan Mataan oo dhawaan ku biiray Xisbiga KULMIYE, ka dib markii uu ka baxay WADDANI, ayaa difaacay Waayo-aragnimada Musharrax Muuse Biixi Cabdi.
Cabdirashiid Xasan Mataan oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka AWDAL, ayaa sheegay in Xisbiga WADDANI uu hanan kari waayey Taageerada Shacabka Gobolka AWDAL, isla-markaana Shacabku uu hadda taageersan yahay Xisbul-Xaakimka KULMIYE.
Mr. Mataan oo ugu horreyn ka hadlaya Taageero uu Sheegay in KULMIYE ka haysto Shacabka reer AWDAL ayaa yidhi “WADDANI wuu hanan kari waayey Shacabka AWDAL, Aqoonyahanka iyo Waxgaradka AWDAL-na waxay ku qanceen Hoggaaminta Musharraxa Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici ay tahay ta saxda ah ee tahay in la taageero, taasaa keentay in dhammaantayo aanu is-daba taagno oo aanu nidhaahno waxaanu dooranaynaa Xisbiga KULMIYE. Waa la kala ambo-baxay oo Xisbiga KULMIYE wuu qaatay Shucuurtii iyo Codka Gobolka AWDAL, waxayna ka soo bixi doontaa Sanaaduuqda (Cod-bixinta).”
Cabdirashiid Xasan Mataan oo la waydiiyey sida uu u arko eedaymo uu Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa u jeediyey Muuse Biixi Cabdi, ka dib Sharraxaad uu Shaqsiyaddiisa ka bixiyey Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa sheegay in Muuse Biixi yahay Waayo-arag uu Xilligan Dalku u baahan yahay Hoggaamintiisa, sidaas darteedna aanay sax ahayn in Ciddii shaqsiyaddiisa ka warranta Warbaahinta laga weerarro “Dalkan Hoggaamintiisu inay Waayo-arag u baahan tahay, inuu Muuse yahay Waayo-arag bislaadayna waa waxaan Shaki ku jirin, Prof Axmed Ismaaciil Samatar-na intuu Sharaxayey intaas ayay ahay, taasina wax la dhibsado maaha, ee waan in la sharraxaa uun Waayo-aragnimada Musharrax Cabdiraxmaan-Cirro, bal inuu u dhigmi karo (Muuse), laakiin inay eed noqoto ma qabo…” ayuu yidhi.