Somaliland: Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Oo M/ Siilaanyo Isku Dhaafisay Tallaabo Anshax Oo Laga Qaado Masuul Xukuumadadeed Oo Xisb. KULMIYE Xil U Magacaabay

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Mudane Sharmaarke Muxumed Geelle ayaa dhinaca Madaxweyne Siilaanyo isku dhaafiyey qaddiyaddii Cabdikariin Xinif ee Guddida anshax marinta doorashooyinka Somaliland qoraalka ugu gudbiyeen in uu tallaabo ka qaado maadaama uu ka mid yahay masuulkaasi KULMIYE shaqaalaha dawladda. Guddoomiye Sharmaarke ayaa Guddida Anshax Marinta doorashooyinka waxa uu ku socodsiiyay qoraal uu shalay ugu sheegay in xaajada Xinif u taallo Madaxweyne Siilaanyo maadaama uu Xinif ku magacaaban yahay Digreeto Madaxweyne isna aanu shuqul ku lahayn.
Warqadda Uu Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland ku socodsiiyey Guddida Anshax marinta oo nuqul ka mdi ahi soo gaadhay wargeyska Foore ayaa u dhignayd sidan:
“Tixraac CSC/GDQ/21/2017 – Taar 08/10/2017
Ku: Sucaad Ibraahim Cabdi
Guddoomiyaha Guddida Anshaxa JSL =Hargeysa=
Og: Guddida Doorashooyinka Qaranka JSL =Hargeysa=
Og:: Guddoomiyaha/Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye JSL
Og: Madaxweynaha JSL
Ujeedo: Jawaab Celin Codsi Tallaabo Anshax Marineed
Mudane/Marwo
Aniga oo tixraacaya waraaqda sumaddeedu tahay GA/XGA/007/2017 kuna taariikhsnayd 07/10/2017 ujeeddadeeduna ahayd Tallaabo Anshax oo lagu qaado Cabdikariim Axmed Maxamed. Kadib markii ay ii caddaatay in Cabdikariim Axmed Maxamed ku jiro liiska Guddida soo Xulista Goob-joogayaasha ee dhawaan Xisbiga Kulmiye magacaabay. Ka dib markii aan tixraacay hannaanka shaqaalenimo ee Cabdikariim Axmed Maxamed isla markaana ay ii caddaatay in uu ku magacaaban yahay wareegto Madaxweyne oo sumaddeedu tahay JSL/M/AID-KA/104-0146/082010 kuna Taariikhaysan 16/08/2010. Ka dib markii aan dib u eegay Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka ee Xakamaynta AIDS-KA XEER LR.67/2014 Qodobkiisa 14aad faqradiisa 1aad oo u dhigan sidan: (Agaasimaha fulinta iyo agaasimeyaasha kale waxaa magacaabaya xilkana ka qaadaya Madaxweynaha) isla markaana xeerku xusay in madaxweynuhu yahay guddoomiyaha hay’adda “AIDS-KA”. Ka dib markii aan dib u darsay sharciga shaqaalaha dawladda Sharci LAM.7/96 Qodobkiisa 2aad faqraddiisa 1aad oo xusaya KU-DHAQIDA sharcigan oo tilmaamaya in lagu dhaqayo shaqaalaha joogtada ah ee dawladda (Kuwaas oo ay shaqaaleeyaan guddida hay’adda shaqaalaha dawladda). Sidaas darteed, waxa aanu go’aansanay; in aanu idinku wargelino in wixii aad abaal marin ama anshax marin u aragtaan u gudbisaan Madaxweynaha JSL.
Wada Shaqayn Wacan
Sharma’arke Axmed Muxumed Geelle
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...