Somaliland: Guddiga Komishanka Qaranka Somaliland oo La FIlayo Inay Maanta Ku Dhawaaqaan Natiijada Dadkii Iska Diiwaangaliyay Gobolada Dalka Ee Qaatay Kaadhka Codaynta

?

Warar xog ogaal ah oo aan helayno kana helayno ilo wareedyo u dhuun daloola guddiga Komishanka Qaranka Somaliland ayaa waxay sheegayaan in la filayo in maanta ay guddiga Komishanku ku dhawaaqaan natiijada dadkii iska diwaangaliyay gobolada dalka,isla markaana qaatay kaadhkii codbixiyayaasha.

Waxaana xarunta guud ee guddiga Komishanka Qaranka soo gaadhay macluumaadka iyo tirada rasmiga ah ee dalka iska diwaangaliyay isla markaana qaatay kaadhka codbixinta,waxaana la filayaa in maanta ay guddiga Komishanku kulan la qaatay hogaanka xisbiyada dalka isla markaana ay ku dhawaaqaan natiijada dadka qaatay kaadhkaasi ee codaynaya doorashada madaxtooyada Somaliland ee fooda inagu soo haysa lana filayo inay dhacdo 13 nofember 2017-ka.

Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa ka hadhsan muddo kooban,waxaana la guda galay u diyaar garowga doorashada madaxtooyada,iyada oo maalinkii shalayna ay xarunta guddiga Komishanka ay soo wada gaadheen qalabkii lagu galayay doorashada madaxtooyada Somaliland.

Gabagabadiina hadii dalka Somaliland 13.Nofember ay dalka ka dhacdo doorasho nabadgaliyo ah isla markaana xor iyo xalaal ahi ayaa waxay qayb wayn ka noqonaysaa dimuqraadiyadda iyo geedi socodka horumarineed ee dalka Somaliland ku talaabsaday.

Comments

comments