Somalia: Guddoomiyaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Dalbaday Fursad Uu Madaxda Somaliland Kagala Doodo Qadiyadda Madax-bannaanida

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi oo ka mid ah Siyaasiyiinta Reer Somaliland ee aaminsan Mabda’a Midnimada Soomaaliya, ayaa ka hadlay Madax-bannaanida Somaliland.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo khudbad ka jeediyey Kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho oo uu fadhiyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayuu Cabdi Xaashi kaga dooday in Madax-bannaanida Somaliland ay tahay mid ay Doonayaan Shaqsiyaad kooban oo Siyaasiyiinta Somaliland ka mid yihiin, Shacabkana ka dhaadhiciyeen iyagoo ka faa’ideysanaya, waxaanu dalbaday in Madaxda Somaliland siiyaan fursad uu kagala doodo Qadiyadda Somaliland, isagoo aaminsan Midnimada wixii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Cabdi Xaashi oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Goosashada Somaliland shaqsiyaad-baa raba oo Dadweynahana ka dhaadhicinaya oo ka faa’ideysanaya, kuwaasi waa Siyaasiyiinta.”

Cabdi Xaashi wuxuu dalbaday in la siiyo fursad uu Reer Somaliland ugu soo bandhigo Dooddiisa Midnimo doonka ah “Anigu Midnimo ayaa rabaa ee waxaan dalbanayaa in la ii ogolaado in Aniga iyo ka Goosashada rabaa aanu ku doodno, oo isaguna fikirkiisa dhiibto, Aniguna fikirkayga dhiibto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Dadka reer Dadka Dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee ku dhaqan Soomaaliya looga baahan yahay inay midoobaan “Waxa la rabaa in Reer Waqooyiga (Somaliland) la yidhaahdo haddaad goosasho rabtaan na qanciya, Annagana Fikirkayaga dhegaysta.”

Guddoomiye Xaashi wuxuu Dawladda Soomaaliya ee uu ka midka yahay ka codsaday inay ku taageerto hirgelinta Aragtiisa “Reer Waqooyiga halkan Jooga (Soomaaliya) waxaan leeyahay aynu isku duubnaano, Dawladdana waxaanu ka dalbanaynaynaa inay nagu taageeraan oo ay Gacan nagu siiyaan Arrintaas inaanu dhaqaajino..”ayuu yidhi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...