Somaliland: Guddidii Ololaha Ee Muuse Biixi Magacaabay Oo Togdheer Khilaaf Siyaaseed Ka Abuuray + Burco & KULMIYE Oo U Muuqda Inay Kala Dhaqaaqeen

Date:

Hogaankii Ururka Haweenka Qaranka Ee Now, Xubnaha Guriga Gaashaan iyo Garabkii Haweenka ee Xisbiga KULMIYE oo Badhkoodna Is-casileen Badhna Cabasho Wayn Muujiyeen.

Haweenka ku dhaqan gobolka Togdheer ee ka tirsan xisbiga ULMIYE ayaa markii ugu horraysay si adag uga hadlay guddiga ololaha xisbiga ee gobolka oo dhawaan Muuse Biixi magacaabay, waxaana ay cabasho ka muujiyeen hanaanka loo maareeyey.

Haweenkan oo ka tirsan ururka haweenka qaranka ee Now iyo garabka haweenka ee gobolka Togdheer ayaa qaarkood shaaciyeen inay saluugsan yihiin sida wax yihiin halka qaar kalena shaaciyeen inay kaba baxeen xisbiga.

Guddoomiyaha ururka haweenka qaranka ee Now ee gobolka Togdheer, sidoo kalena ah xubin ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga oo ka mid ahayd haween tiro badan oo shir jaraa’id ku qabtay Burco ayaa sheegtay inaan gabi ahaanba la tabin haweenka gobolka Togdheer, waxaanay sidoo kale xustay in wakhtigan lagu jiro aan waxba laga waydiin talada gobolka gaar ahaan ta haweenka, iyadoo arrimahas ka hadlaysana waxay tidhi:
“Anigoo ah ururka qaranka ee Now ee gobolka Togdheer golaha dhexe ee KULMIYE-na ka mid ah waxaan kala garan waynay inaan naloo baahnayn waayo waxaany ku jirnaa wakhti xasaasi ah in nala doonayo iyo inaan nala doonayna, laakiin maanta baaqayagu waxa uu daaran yahay, maxaa naloola tashan waayay haddii ay gobolka tahay iyo haddii qaranka tahayba midna waxaanu ka haynaa ma jirto anagoo ah masuuliyiintii gobolka”
Geesta kale xubno kale oo ka mid ah haweenka guriga Gaashaan ee gobolka Togdheer iyo ururka haweenka qaranka ee Now ayaa sheegay inay gabi ahaanba ka baxeen xisbiga KULMIYE kuna biireen xisbiga WADDANI, waxaanay diga rogashadooda ku sababeeyeen inay saamigoodii haween ahaan ka waayeen guddiga ololaha xisbiga ee gobolka, waxaanay intaas raaciyeen inay dhibaatooyin kala kulmeen xisbigooda KULMIYE, sidaasi awgeedna ay ku bireen WADDANI, waxaana hadalkoodii ka mid ahaa:

“Anigoo ka tirsan ururka Now waxaa kallifay inaanu ka wareegno dhibaatada iga soo gaadhay maamulka KULMIYE dhamaantayo reer Xaaji Xasan Geelle hadaanu nahay oo nalagu yaqaano inaanu Togdheer qayb leenahay inaanan dad caadifad leh ahayn inaanan dad dambi badan ahayn.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...