Somaliland: Xisbiga KULMIYE oo Xafiisyo cusub ka Furtay Saddex Degmo oo Caasimadda ka mid ah

Maamulka Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga KULMIYE, ayaa xadhigga ka jaray xafiisyadii ugu badnaa oo xisbigu ku yeeshay saddex degmo ku yaal caasimadda.
Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodijeex Md. Maxamed Iid Dhinbiil oo ay weheliyaan ku-xigeenkiisa iyo masuuliyiin kale oo xilal sare ka haya xisbiga, ayaa xadhigga ka jaray xafiisyo badan oo xisbigu ka furtay degmooyinka Gacan-libaax, 26-ka June iyo Ibraahim Koodbuur ee Caasimada Hargeysa maanta.
xaflado koob kooban oo xafiisyadan mid mid loogu qabtay iyagoo bulshada degmo kastaana sheegay inay ku faraxsanyihiin masuuliyiiinta xisbiga midnimada iyo horumarka Somaliland ee KULMIYE kala soo qaybgalaan furitaanka xafiisyadan, waxaanay cod dheer ku sheegeen inay mar labaad u heellanyihiin sidii ay u soo saari lahaayeen xisbiga.
Dhankooda masuuliyiinta Gobolka Maroodijeex ee xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin xafiisyadan taagerayaashu ay iskood u furteen, soona dhawaynayaan, isla markaana dadaalka taageerayaasha xisbiga KULMIYE ay muujinayso ifafaalaha guul muhiim ah oo xisbigu mar kale ku hanto sii haynta talada waddanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Comments

comments