Ururka Midaynta Beelaha Somaliland wuxuu si mug leh u taageerayaa talooyinkii miisaanka lahaa ee Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Jeclo, Suldaan Cabdillaahi Suldan Cali u jeediyay guud ahaan Bulshada Somaliland gaar ahaana Beelaha Biciide oo shirkoodi ku qabsaday dooxada Dagaar, Gobolka Sanaag.
1). Suldaan Cabdillahi Suldaan Cali wuxuu sheegay in nabadgelyadu tiir dhexaad u tahay horumarka iyo jiritaanka qaranimada Somaliland shacabkana wuxuu kula taliyay inay codkooda siiyaayn Xisbiga adkaynaya nabad gelyadda iyo xasiloonida Somaliland. Wuxuu sheegay inay shacabku nabad rabaan oo aanay colaad rabin.
2). Suldaan Cabdillahi Suldaan Cali wuxuu kula taliyay Beelaha Biciide ee shirka qabsaday inay la midobaan oo iskaashadaan beelaha kale ee ay daaq & deegaanba wadagaan. Wuxuu ku booriyay inay ka shaqeeyaan horumarka Gobolka Sanaag oo si wadajir ah u dhistaan Deked iyo wadooyin .
Tallooyinka uu Suldaan Cabdillahi Suldaan Cali soo jeediyay waxay bud-dhig u yaheen ujeedooyinka loo unkay Ururka Midaynta Beelaha Somaliland , siiba beelaha wada dega Goboladda Bari. Ujeedooyinka Guud ee Midnimo waxa ka mid ah :
1) Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Gobolada Bariga Somaliland ; diyaarinta daraasado “ feasibility studies” ku salaysan sidii loo samayn lahaa maalgashi wada jir ah sida wax soo-saarka beeraha ; warshadaha yar-yar; Naaxinta xoolaha nool; Kalluumaysiga, Dalxiiska iyo Samaynta shirkado ganacsi.
2) Ka qayb qaadashada dhamaystirka mashruucyada qabyada ee Gobollada Bari siiba jidkaErigavo-Burco- Hargeisa.
3). Samaynta Hay’ado Samofal ah “ NGO’s.
4) Samaynta Guddi Cadaadis “ Pressure Group” oo Xukuumadaha Somaliland culays ku saara inay si cadaalad ah ugu qaybiyaan Gobollada Bari & Galbeedka Somaliland, mashruucyadda horumarinta ,kaabayaasha dhaqaalaha, mucaawinooyinka dibedda iyo adeegyadda bulshada.
5) Dhiirigelinta is-hexgalka , iskaashiga iyo isbarashada bulshada rayidka ah ,siiba dhalinyarada, Aqoonyahanka , Culimaa’diinka, Madax-dhaqameedka iyo Haweenka.
6 ) Ilaalinta Qaranimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddii aanu nahay Ururka Midaynta Beelaha Somaliland, waxaanu ku balan qadaynaa inaanu xoojino oo taabo gelino tallooyinka daxalgalka ah ee Suldaan Cabdillaahi Suldaan cali, oo kasoo jeeda Saldanad Facwayn , iskana fogeeya siyaasadda & saxaafadda.
Somaliland: Ururka Midaynta Beelaha Somaliland Oo Si Mugleh U Taagaaraya Dardaarankii Ee SULDAAN CABDILLAHI SULDAAN CALI.
Date:
Wa bilaahi Towfiiq.
URURKA MIDAYNTA BEELAHA SOMALILAND.
ALI IBRAHIM “ BAQDAADI”, TORONTO.
GUDOOMIYE KU XIGEENKA MIDNIMO.