Boqorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Salman bin Abdulaziz, ayaa xalay booqasho taariikhi ah ku tagey Magaalada Moscow ee Xarunta Wadanka Ruushka.
Wafdigii uu horkacayay Boqorka Sacuudiga, ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Vnukovo, ka dib markii ay ka soo cago dhigatay diyaarad gaar ahi, oo ay la socdeen.
Boqorka, ayaa noqonaya boqorkii ugu horeeyay oo talada Sacuudiga haya, oo booqda dalkaasi Ruushka. xidhiidhka labada dalka, ayaa muddo dheer ahaa mid aan wanaagsanayn, Boqor Salman, ayaa waxaa lagu wadaa mudada uu ku sugan yahay Magaalada Moscow inuu kula kulmo Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan waxaa ugu muhiimsan qalalaasaha ka jira Bariga Dhexe, ganacsiga iyo maalgashiga.
Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA, waxay booqashadan ka dambeysay markii Boqor Salman uu casuumaad ka helay Madaxweyne Putin, dhinaca kale Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka looga arrimiyo, ayaa qoraal ka soo baxay waxaa lagu sheegay in booqashadan diiradda lagu saari doono xaaladaha Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, gaar ahaan qalalaasaha ka jira Bariga Dhexe.
Sacuudiga iyo Ruushka, ayaa ku kala qaybsan arrinta Suuriya, iyadoo Ruushku uu taageero Xukuumadda Damascus, halka Sacuudiguna uu taageero kooxaha mucaaradka.