Somaliland: Murashaxa Xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Oo Markii U Horaysay Daaha Ka Rogay Qorsha Uga Meel Yaalla Horumarinta Dhinaca Caafimaadka Dalka Haddii Uu Talada Qaranka Ku Guulaysto

Date:

Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi ayaa Markii u horaysay si layaable uga hadlay qorshaha u dejisan Xisbgiisa ee uu ku waajahayo kor u qaadisa iyo horumarinta Caafimaadka dalka haddii uu Talada dalka ku guulaysto,waxa uu maamulka Cisbitaalka iyo Wasiirka Caafimaadka Somaliland u tafsiiriyay qorshayaal cad cad oo uu sheegay inuu hore udejiyay oo uu wax kaga qabanayo baahiyaha caafimaadka dalka,waxaanay arintaasi yidiilo iyo farxad galisay dhakhaatiirtii ku sugnayd shalay Munaasibadaasi ee dhagaysanaysay Khudbadaasi yididiilada lahayd.
Musharax Muuse Biixi cabdi ayaa khudbadan ka jeediyay shalay maruu xadhiga ka jarayay Mashaariic horumarineed oo kala duwan oo laga hirgaliyay Cisbitaalka Weyn ee Dawlada ee Magaaladda Hargeysa,oo ay ku wehelinayeen Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglo-oosiye iyo Agasimaha Cisbitaalka Guud,waxaana ka mid ahaa Khudbadii Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi “Hawshan Qiimaha badan ee Cisbitaalka aad ku soo kordhiseen waanu idiinku Hambalyaynaynaa, Waxaase hubaal ah intaasi in kabadan ayaynu u baahanahay, Noloshu way kordhaysaa, dadkeenuna waa uu kordhayaa,baahidiina way koraysaa,Waxaan ku soo ururinayaa, bahda caafimaadka waxaan leeyahay waxaynu mustaqbalka Xooga saari doonaa saddex Si uu Caafimaadkeenu kor ugu kaco,ka u horeeyaa waa dadka,Caafimaadka waxaa wax ka qaban kara Dad Caafimaadkooda aad loo dhisay,oo ay maal badan galino”.
Waxa kale oo uu yidhi“Laba inaynu kor u qaadno dhakhtarka illaa iyo ka nadiifiya,inta ka dhaxaysana in Daryeelkooda iyaga la hagaajiyo,hadaanu dhakhtarkii ama Nurse-kii daryeelayn,oo Gurigiisii baahan yahay,oo uu war warayo,oo uu Bisha ka war warayo,oo aanay noloshiisu dhamaystirnayn,inoo qaban maayo baahida aanu baahanahay,markaa hadba dhaqaalaheena inta ka go’da waa inaynu kor u qaadno oo aynu siinaa fiiro dheeraad ah”.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi“Ta sadexaadna waxay noqonaysaa Caalamku wuu dheeraynayaa,qalabkii wuu dheeraynayaa,iyo Technolog-gii wuu dheeraynayaa,waxaa la jaan qaadi kara dad iyaguna la tababaran,oo maamul leh,maamulku wuxuu ka mid yahay dadka iguna ugu mihiimsan ee wax lagu qabto,hadaad qalab keento oo aad lacag badan u qorto dhakhtarkii,oo aad daar qurux badan u dhisto,oo aanu maamul jirin hawsha kala wadayaa meel ma gaadhayno,ayaynu saddexdaa qodob insha Allah haddii aynu nahay bahda caafimaadka mustaqbalka soo socda Halka aynu joogno kor uga qaadaynaa,Waxaana ugu mihiimsan in la daryeelo qofka ku daryeelaya,laba qoloba oo dalka ka shaqeeyaa waxay u baahan yihiin in dib loogu noqdo,oo daryeel dheeraad ah la siiyo,bahda Caafimaadka iyo Bahda Waxbarashada,Macalin gaajoonaya oo gurigiisii baahan yahay arday soo saari maayo,haddii aad arday fiican waydana hore u marimaysid,dalkuna meel gaadhi maayo”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi“Haddii Alle yidhaah Wasiir iyo Agaasime,markaanu anagu isla eegnay intii waayo araga ahayd ee aanu is agjoognay,inay u baahan yihiin saddexdaasi qodob,Aqoontii,daryeelkii ama miisaaniyadii Dhakhtarada ama Nurse-ta,iyo qalabkii iyo Maamulkii oo wada socda,Shaqayn maayo qalabku haddaanu maamul fiican helin,Mishiinkaasi la keenay ee Qaaliga ah ee kalyaha sifaynayaa waa inuu maamul adag oo mishiinkana daryeelaya helaa,Sidii Mishiinku u shaqaynayay qof uga shaqaysiiyana aynu gaadhsiinaa”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...