Somaliland: Xukuumada Itoobiya oo deeq waxbarasho gaadhaysa 180 boos siisay ardayda Somaliland

Date:

 Xukuumada Itoobiya ayaa la sheegay inay deeq waxbarasho gaadhaysa 180 boos siinayso ardayda reer Somaliland sannadka 2017/2018, sida uu xaqiijiyey Safiir-xigeenka Safaarada Somaliland ee Itoobiya, Ayaanle Salaad Diiriye.

Safiir Ayaanle Salaad oo u waramay weriye Maxamuud Walaaleye ayaa sheegay in Deeqdan waxbarashada 180 boos, ka kooban tahay 130 waxbarashada koowaad ee Jaamacada iyo 50  waxbarashada heerka labaad ee jaamacada (Masters).

Safiir Ayaanle oo ka hadlayey muhiimada deeqdan waxbarasho ee dawlada Itoobiya siisay ardayda Somaliland ayaa sheegay,  “Waxaan hubaa in ardayda wax ku barta dalka Itoobiya noqon doonaan safiiro sii horumariya xidhiidhka soo-jireenka ah ee u dhexeeya labada wadan. Waxaan uga mahadcelinaynaa fursada ay u hureen ardayda reer Somaliland, walaalahooda rag iyo dumar ee Itoobiya.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyey,

 “Deeqdan waxbarasho waxay sii xoojinaysaa xidhiidhka sii kobcaya ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah. Waana talaabada hogaamiyeyaasha indheer-garadku sameeyaan.

Safiirka oo ka hadlayey heerka iskaashi ee labada wadan marayo ayaa yidhi,  “Xukuumada iyo shacabka Itoobiya meel weyn ayey kaga yaaliin bulshada reer Somaliland, xaqiiqdiina waa saaxiibkooda xilliga adag, balse waxa loo baahan yahay inaan ka sii shaqeyno sidii u gaadhi lahaa dhamaan Geeska Afrika.

“Waxaan u baahan nahay inaan dhisno kalsoonida, una hubino si labada wadan isugu sii lamaanaadaan inaan abuurno fursado labada wadan iyo labada shacab wadajir uga faa’iidaystaan. Muhiimadayada koowaad waa xoojinta xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya dhinac walba”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...