Wasaaradda waxbarashada ayaa la sheegay inay iibisay barxadda hore ee dugsiga hoose/dhexe ee Sheekh Cali Cismaan ee magaalada Hargeysa,kaas oo hore loogu yaqaanay Riis.
Todobaadkii hore ayaa la sheegay inay dugsigaasi tageen saraakiil ka socota wasaaradda waxbarashada, arrimaha gudaha iyo dawladda hoose kuwaaso maamulka dugsiga ku wargaliyey in la faasaxay barxadda waqooyi ee dugsiga, lagana iibiyey niman ganacsato ah.
Ma jirto xog dheeraad ah oo illaa hadda ka soo baxaysa iibka dhulkan danta guud ah ee ka mid ah goobta waxbarasho, hase yeeshee maaha markii ugu horraysay ee la iibiyo qayb ka mid ah goob waxbarasho, waxaana xusid mudan in ganacsatada dhulkan laga iibiyey ay yihiin qaar caan ah.
Hore waxaa shakhsiyaad gaar ah looga iibiyey barxadda koonfureed ee dugsiga Sheekh Bashiir oo hadda laga dhisayo Maktabad gaar ah, sidoo kale waxaa dhawaan soo baxay in la iibiyey garoonka dugsiga baahiyaha gaarka ah ee ay wax ku bartaan dadka naafada ah.
Muddooyinkii u dambeeyey waxaa soo badanayay iibka dhulka iyo guryaha danta guud, iyadoo dhawaan uu Madaxwaynaha somaliland soo saaray digreeto lagu mamnuucayo iibka dhulka danta guud ah iyo guryaha dawladda hase yeeshee wasiirrada xukuumadda ayaan amarkaas madaxwaynaha dheg jalaq u siin, waxaana sii libin laabmay xaraashka hantida umadda ka dhaxaysa.