Baabuur Looxyo Laga Sameeyay Oo Mustaqbalka Suuqa Soo Galaysa + Sawiro

Date:

Cilmibaarayaal u dhashay dalka Japan ayaa ku howlan sidii ay u soo saari lahaayeen baabuur laga sameeyay alwaax ama looxaan adag kuwaasoo bedeli kara gaadiidka biraha ka sameysan dhowaan.

Qorshahan ayaa ah mid lagu doonayo in lagu yareeyo culeyska gaadiidka gaar ahaan gaadiidka qiiqa ka baxa hawada waxyeeleeya.

Hase yeeshee waxaa isweydiin mudan halkee laga keenayaa alwaaxda ama looxaanta laga sameynayo baabuurta maadaama hore looga dhistey maraakiibta,guryaha iyo qalab kalaba.

Cilmibaarayaasha Jaamacada Kyoto ee dalka Japan ayaa aaminsan qalabka laga sameeyo dhir si gaar ah uga baxda dalka Japan ay u adkeysi badan tahay sida birta oo kale isla markaana ka fududahay birta boqolkiiba sideetan.

Baabuurta caalamka laga soo saaro ayaa sanadba sanadka ka dambeeya biraha laga sameeyo waxa ay noqonayeen kuwo la sii qafiifiyo,waxaana laga dareemi karaa baabuurba baabuurka uu ka dambeeyo inuu ka culeys yaryahay oo gaadiidkii hore ay ahaayeen kuwo biro adag laga sameeyay.

Balse qorshahan cusub ee alwaaxda baabuurta laga sameynayo ayaa u muuqda mid suurtogal ah maadaama gaadiidka hadda la soo saaro ay yihiin kuwo aad u jilicsan waxaana dhici kartaa in alwaaxda ay ka adkeysi badnaan karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...