“Niman ayaa inaga leexiyay majarihii oo ina xaraashay oo ilaa dhulkii ilaa xabaalii maanta lagu soo noqday, waynu noolayn doonaa Berbera”
Guddoomiye ku xigeenka ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Xildibaan Cabdiqaadir Jirde ayaa xukuumada kulmiye ku tilmaamay mid xaraashtay magaalada Berbera iyo dhulkeedii.
Cabdiqaadir Jirde waxa uu xusay dhibaatooyin uu sheegay in la gaadhsiiyay dekeda iyo guud ahaan Berbera,waxaanu balan qaaday inay ka xisbi ahaan wax badan ka qaban doonaan dhibaatooyinka Berbara, waxaanu arimahan ka sheegay xaflad masuuliyiin lagu soo dhawaynaayay oo xisbiga Waddani ku qabtay isla Berbera, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa”Berberi waxay yeelan lahayd mustaqbal wanaagsan haddaan xukuumadan Kulmiye kala didin, dhaqaalihii adduunku bari ayuu u baxay,labada quwadood ee dhaqaalaha dunid qabsan doonaa waa China iyo Hindiya marin biyoodka ay Berberii marto waxa uu noqonayaa ka adduunka ugu qaalisan ee ugu badeecada badan ee ugu ganacsiga badan, laakiin maxaa ka horeeya inaan weelkeedii sii yeelano, weelkeena waa la dalooliyay oo Kulmiye ayaa dalooliyay, qaabkii dekeda loo wareejiyay waad ogaydeen si qaab daran oo foolxun oo wax faa’ido ah oo ay leedahay ilaa maanta aanay jirin, waad ogtihiin oo saldhig militari ayaa la keenay golaha waanu kaga doodnay, waa naloo joonin waayay lacagtii qaranka ayaa la isticmaalay oo laaluush ayaa gacantii lagu iibsaday balan waxaanu qaadaynaa abaalkaas ay Berberi Somaliland oo dhan ku leedahay in loo abaal gudo oo karaamadeedii la soo celiyo oo ay mustaqbalka noqoto caasimada dhaqaalaha ee Somaliland iyo geeska Afrikaba.”
Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo hadalkiisa sii wataa wax auu yidhi”niman ayaa naga leexiyay majarihii oo niman ayaa ina xaraashay oo ilaa dhulkii ilaa xabaalii maanta lagu soo noqday, waynu noolayn doonaa Berbera waxaad arki doontaan iyada oo ay tareeno ka baxaan sida Jabuuti waxaad arki doontaan iyada oo maraakiibta waaweyn ee adduunku ay timaado, waxaas oo dhan waxa inoo haya inaan dalka oo dhan farteena ku badbaadino oo aynu siino xisbiga Waddani.”