Somaliland: Maxamuud Xaashi oo ka Rajo-dhigay Dumaashii KULMIYE + Muuse Biixi Iyo Madaxtooyadda oo Waswaas kala Galay

Date:

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka rajo-dhigay damaca gudoomiyenimada dumaasha KULMIYE, kadib markii Jid iyo Ceel midna u bixin waayey Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi, oo marar badan uu siyaabo kala duwan ugu diray ergo heer walba leh, sida Odayaal dhaqameed, ganacsato, aqoonyahan iyo Siyaasiyiin, kuwasoo intuba rajadii ay kala soo laabteen ahayd mid isku mid ah, oo ah xaajo meel loo qaado aan lahayn.

Sidaas darteed Wasiir Maxamuud Xaashi go’aan aan ka dhicin nidar, waxa uu ku sheegay inuu talaabo Siyaasi ka qaadan doono, arrinka KULMIYE wixii ka dambeeya gudashada waajibaadka Xajka marka uu kasoo laabto, hadii xalaal iftinbaa la qashaayee, Gudoomiye Muuse Biixi aanu meel cad ku tiirin damaciisa ku aadan dumaasha Gudoomiyenimada KULMIYE ee Mustaqbalka.

Geesta kale, xogo kala duwan oo Wargeyska Yool ka helay ilo ku dhow-dhow labada dhinac, ayaa tibaaxay inuu soo af-go’day rajaddii arrinkaa ee Wasiir Maxamuud Xaashi, isla markaana hadda u biyeystay sidii Musharrax Muuse Biixi uu ugu diri lahaa farriin odhanaysaa, Karis xun iyanna wax ku la’, oo mar hadii tiisa la diiday, tu Muuse Biixi leeyahayna  aanay u socon, waxanay Wararku intaa raaciyeen Wasiir Maxamuud Xaashi tallaabooyinkii u horreeyey ee u arrinkaa kaga jawaabo inuu ahaa kulankii ka dhacay Magaaladda Dubai, dhowaan mar ay halkaa ku kulmeen Maxamuud Xaashi iyo Muuse Biixi, oo iyadoo socodkaa ama kulanka Dubai labadooda ay ku weheliyeen Wasiiradda arrimaha dibeda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo Safiirka Somaliland ee Imaaraadka, waxana sida xoggaha lagu sheegay isu imaatinka Imaaraadka kusoo dhamaaday natijo la’aan, kaddib markii sida la sheegay Wasiir Maxamuud Xaashi cirka ku laalay dhaqaale yar oo faro-guudkood ah, kaasoo Shirkadda DP World maamul hoosaadka tirsani kaga jawaabay dalab dhaqaale weyn oo Xukuumaddu waydiisatay.

Dhaqaalaha kooban ee Shirkaddu ku yaboohday, ayaa sida ay iftiimiyeen xoggaha laga helay Safarka Dubai, waxa Wasiirka Madaxtooyaddu Maxamuud Xaashi uu ku dooday inay Xukuumadda soo food-saareen arrimo badan oo adag, isla markaana dhaqaalaha yare e Shirkadda DP World kasoo gaadhay Xukuumaddu u baahan tahay, sidaas awgeedna duruufaaha dhaqaale ee jira dartood aanu sinnaba munaasib u ahayn dhaqaalahan yare e Shirkaddu bixisay in lagu bixiyo Oloolle iyo Kaambeyn.

Teeda kale, xoggaha la helayo ee ku saabsan rajo beel Maxamuud Xaashi ee KULMIYE iyo tallaabooyinka geestiisa uu kaga falcelyey, waxa qaarkood xuseen Wasiirka Madaxtooyaddu inuu ku talo-galay Xisbiga UCID inuu ka dhigto dhuffays uu kasoo galo Dagaalka Murashaxa KULMIYE Muuse Biixi, isla markaana Xisbigaasi uu noqdo meesha uu ku kala daadin karo qorshaha xisaabtii ahayn afar, laba iyo lix, oo ah shaxda qorshihii u degennaa Xisbiga KULMIYE ee guusha doorashada Madaxtooyadda.

Waxa kaloo Wararku intaa ku darreen in damaca Maxamuud Xaashi ee dagaalka wajiga Ucideysan uu salka ku hayo laba ujeedo, kuwasoo sida la sheegay kala ah, kow inuu ku wiiqo taageerada Xisbiga KULMIYE ka filayo gobollada bari, siiba Saraar, Sanaag Sool iyo qaayb Togdheer ah, mida labaad ee Wasiir xaashi ku xushay Xisbiga UCID, ayaa iyanna ah in Xisbiga UCUD u noqdo Wasiir Xaashi nusdambeedka mustaqbalka dambe mid uu ciyaarta kusoo galo.

Geesta kale, iyanna waxa jira xogo kaloo sheegaya inaanu wanaagsanayn xidhiidhka aqalka Madaxtooyadda iyo Murashaxa Xisbiga KULMIYE, xur-guftaas oo sida la sheegay ah mid salka ku haysaa tabashooyin dhinacyo badan leh, kuwasoo qaarkood la sheegay inay ka dhasheen, kadib markii musharraxa iyo hoggaanka kale ee Xisbiga KULMIYE afka ka xidheen eedeeymo musuq-maasuq oo mucaaridku qarqiyeen Madaxtooyadda iyo Xisbiga labdaba, iyo sidoo kale, xan War-dhuudhaasku u kala qaaday Musharraxa KULMIYE Muuse Biixi iyo Madaxtooyadda, wararka loo kala qaaday labada dhinac oo sida la sheegay ay ku jireen arrimo xasaasi ah oo musharaxa KULMIYE ku goodiyey inuu tallaabo sharci ka qaadi doono, haduu uu tallada wadanka ku Guuleysto, waxana sida illaha qaar xuseen kamid ah meelaha Gudoomiye Muuse Bixi ku hanjabaday inuu kusoo celin doono gacanta dawladda dhismihii dugsiga Haweenka oo hadda dhismahaasi kamid yahay Hutel Cali Jirde.

Dhinaca kale, Wararka laga helayo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee ku aadan dhaq-dhaqaaqyada Wasiirka Madaxtooyadda iyo gaabsiga aqalka Madaxtooyadda, ayaa lagu sheegay murashax Muuse Biixi inuu hadda xaalad-hoggaasho, taasoo ah mid isaggu jirtaa jugta soo gaadhay oo uu nasasho ka qaadanayo, iyo sidoo kale,mid uu ku odorosayo baaxadda waxyeelo ee soo gaadhay iyo diaar-garowgii uu kaga gaashaaman lahaa xaaladdaha lasoo dersay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...