Wariye Maxamed Aadan Dirir oo ka mid ah wariyeyaasha ka hawl-gala magaalada Hargeysa ayaa muddo sideed maalmood ah xarunta CID-da ugu xidhan maamulaha guud ee dugsiyada Nuuradiin Xaaji Mahad Ibraahim Maxamed.
Wariye Maxamed Aadan Dirir ayaa 16 bishan la xidhay isaga oo ku guda jira hawlihiisa shaqo, iyda oo laga qabtay hoolka xafiiska imtixaanaadka JSL oo wakhtigaasi lagag dhawaaqayay imtixaankii shahaadiga ah.
Wariyeyaal iyo dadweyne kale oo ku sugnaa xafiiska imtixaanaadka Somaliland ayaa shabakadda wararka ee Somalilandtoday u xaqiijiyay xadhiga Wariye Maxamed Aadan Dirir
Guddoomiyaha Xarunta xuquuqal Iinsaanka Somaliland Guuleed Axmed Jaamac ayaa sidoo kale shabakadda wararka ee Somalilandtoday u xaqiijiyay xadhiga wariye Maxamed Aadan Dirir, waxaanu Garyaqaan Guuleed Dafac sheegay in maalintii Arbacada ee ay bishu ahayd 20/09/2017, wariye Maxamed Aadan Dirir la horgeeyay Maxkamad iyada oo 7 maalmood oo rumaan ah loo soo jaray.
Sidoo kale guddoomiye Guuleed Axmed Jaamac waxa uu sheegay inay waan-waan iyo dhex-dhexaadin ka dhex wadaan maamulaha guud ee dugsiyadda Nuuradiin Xaaji Mahad Ibraahim Maxamed iyo Wariye Maxamed Aadan Dirir.
Warar madax-bannan oo ay helayso Somalilandtoday ayaa waxa ay sheegayaan in maamule Xaaji Mahad Ibraahim Maxamed uu wariye Maxamed Aadan Dirir u haysto warar uu ku faafiyay dugsiyadda Nuuradiin.
Shabakadda caalamiga ah ee Somalilandtoday oo isku dayday inay xidhiidh la samayso maamulaha guud ee dugsiyada Nuuradiin Xaaji Mahad Ibraahim Maxamed ayaanay u suuro-galin.