Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo waftigii Xisbiga Waddani ee kusii jeeday Gobolka Awdal ayaa Mudahaaradyo lagaga soo Horjeedo ay ka dheceen Deeganadda Gobolkaasi waxana mudaharaad Weyn oo ka dhacay Magaaladda Dila, uu isku badalay rabshado watay Shiid iyo rasaas Halkaas oo uu ku geeriyooday Wiil yar oo ay toogteen askartii la socotay.
Alla ha u naxariistee Wiilkan oo lagu sheegay 20jir isla markaana uu dhalay Caaqil Ibraahim Ismaaciil Guuleed oo ka tirsan cuqaasha degmada Dila isla markiina geeriyooday.Wiilka oo Magaciisa La odhan jiray Mukhtaar Caaqil Ibraahim Ismaaciil Guuleed kana soo jeeday beesha Reer Nuur /Maxamud Nuur/Bahjibraacin ayaa goordhawayd lagu aasayaa Degmada Dila.