Somaliland: Wasiir Cadaani Oo Dhax Gal-Gashay Xeerka Saxafada Somaliland Oo Baalasha Ka Rifay

Date:

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani),  ayaa sheegay in xeerka anshaxa saxaafaddu uu wax weyn ka tari doono xiliga doorashada madaxtooyada ee fooda innagu soo haysa.

Wasiirku waxa uu ku bogaadiyay dhinacyada uu xeerkani khuseeyo in marka laga doodo, isla markaana la ansixyo qodobada ka soo baxa aanay noqon wax hadhaw lagu murmo ee uu noqdo mid lagu kala baxo, marka la gaadho wakhtiga doorashada madaxtooyada ee muddaysan 13ka November ee sannadkan.

 

“Halkan waxa loo joogaa sidii aynu u samayn lahayn anshax warbaahineed oo saxaafadda qaranka Somaliland oo dhan ah, cid kastaana ku kalsoon tahay, waxaana muddo la haystay meel laga tixraaco, oo haddii wax lagu darayo iyo haddii wax laga saarayaba intuba ay bannaan tahay,” ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda warfaafintu, waxaannu intaas raaciyay “Qodobka muhiimka ah ee jiraa waxa weeye, in waxa halkan ka soo baxayaa aanay noqon berri wax la isku qab-qabsado ee wax caddaanna ay noqoto, oo qof kastaaba marka uu arko uu fahmi karayo oo eray bixin sharci lagu qoro oo hadhaw madaxa la isla galo, dhibkeeda ayay yeelaneysaa.

 

Markaa waxaannu soo jeedineynaa inay noqoto wax caddaan ah, waanu eegnay doorashaduna waxay tahay mid ay wada sugayso qaranka Somaliland oo dhan oo  loo wada fikirayo,”ayuu yidhi wasiirka warfaafintu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...