Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa Weftigii Xisbiga WADDANI ee dhawaan gaadhay Magaalada Burco ku eedeeyay inay meelaha qaarkood ka jarjareen Calamo uu Xisbiga KULMIYE leeyahay isla-markaana ay Waddooyinka Magaalada dhexdeeda ee Dadka ka dhexeeya ay ku qoreen Magacyada Xisbigaasi.
Ramaax oo Shalay la hadlay Telefiishanka Eryal isagoo ku sugan Magaalada Hargeysa, ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Xisbiga WADDANI waxay bilaabeen inay Waddooyinka Laamiga ah ay dhinac walba Ranji lagaga buufinayo, birihii Ummadda ka dhexeeyay oo ay ku xidhaan calamo, awood waanu u lahayn inaanu ka furfurno, laakiin markii aanu Guddiga Nabadgalyada isku nimid waxa Go’aankayagu ahaa inay Ummaddu nala aragto. Iyagana waanu u yeedhnay oo waxaanu nidhi waxani Daw maaha ee ka daaya, waxay keeneen inay Goo’gooyaan Calamo uu leeyahay Xisbiga KULMIYE, waxay keeneen inay in Biro Calamo Xisbiga KULMIYE leeyahay iyo Xafiisyadii KULMIYE inay Saliid ku daadiyaan, Kiisaskoodu way socdaan oo waalla baadhayaa.”
Guddoomiye Ramaax wuxuu su’aal geliyey taageerada uu Xisbiga WADDANI ku leeyahay Magaalada Burco, maaddaama buu yidhi aanay Weftiga la soconin Xubno la garanayo oo Reer Burco ah “Fardo la isku hayo maxaa la iskaga faanin, Far-baa lagu baxayaa. Rag badan oo Reer Hargeysa ah ayaa meesha marayey, Ismaaciil-yare, Cabdillaahi-Cirro iyo Xamarji oo Aniga I maagayey ayaa meesha marayey (Markii Weftiga WADDANI Burco joogay), Laba Nin oo Reer Hebel Sheegta (Mooyaane) Nin Reer Burco oo la garanayo oo meesha marayey oo Tv-yada ka soo baxay miyuu jiray, marka laga reebo Qoys.”ayuu yidhi