Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maareeye cusub u magacabay hay’adda xidhiidhinta raashinka.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed shalay uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada, Xuseen Aadan Cigge (Dayr), waxaanu ku sheegay in madaxweynuhu Cali Diiriye Axmed (Maalin-tacab) u magacaabay maareeyaha cusub ee Hay’adaas.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silanyo, waxa uu Xeer Madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-5038/092017 Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (Food Coordination Agency) ee Jamhuuriyadda Somaliland . Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Xidhiidhinta Raashinku u leedahay Dhismaha Qaranka. Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee FCA (Food Coordination Agency) ee Jamhuuriyadda Somaliland. Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo. Markuu Ku Qancay: In uu hanan xilkan loo magacaabay.
Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cali Diiriye Axmed (Maalin-tacab), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (Food Coordination Agency) ee Jamhuuriyadda Somaliland.”