Dhallinyaro Wiilal & Gabdho Burco Iyo Hargeysa Ka Tagay, Oo La Qab-qabtay Iyagoo Doonaya Inay Berbera Ka Tahriibaan

Date:

Boqol Gaadiid Nooc Gaar Ah Oo Laga Dhex Baadhayo Dambiilaha Jiidhay Qof Meydkiisa Laga helay Magaalo Madaxda Gobolka Saaxil

Ciidammada Booliska Gobolka Saaxil, ayaa Hawl-gal ballaadhan oo ay ka sameeyeen Magaalada Berbera waxay ku soo qab-qabteen Dhowr iyo Labaatan Tahriibayaal Reer Somaliland ah, kuwaasi oo lagu Hayey Guryo halkaasi ku yaalla, lana doonayey in Doonyo laga saaro Xeebta Berbera.

Tahriibayaashan oo ay ku jireen illaa 8 Hablood oo aad u da’yar, ayaa waxa sida loo qabtay ka warramay Taliyaha Qaybta Booliiska ee Gobolka Saaxil Gaashaanle Dhexe Aadan Cabdi Cawaale (Qushi), waxaanu yidhi “Tahriibintu hore ugamay jirin Berbera, laakiin Rag baa doonay inay ka bilaabaan. Arrinkaa markii aanu ogaanay ayaanu ka hawl-galnay 17-kii bishan, 24 Tahriibayaal ah ayaanu Gacanta ku dhignay oo 8 Hablood ka mid yihiin iyo labadii Qof ee Wakiilka ahaa ee Guryaha ay ku jireen loogu geeyay. Dadkii Dadkii waday ee doonayey inay Tahriibiyaan weli Gacanta kumaanu dhigin, laakiin waanu ku daba jirnaa.”

Taliyuhu wuxuu sheegay oo kale “Dadkaa Tahriibayey waxay ka yimaaddeen Burco iyo Hargeysa, Booliis ahaana waxaanu diyaarinay inaanu Maxkamadda geyno oo la xukumo oo Jeelka la geeyo, laakiin Dadkii Hablahaa dhalay markay noo yimaaddeen ee ay na baryeen ee ay yidhaahdeen Haddii Hablahaa la xukumo oo Jeelka la geeyo (Waa dhibaato) markaa Waalidiintaa waanu ka naxnay.”ayuu yidhi, inkasta oo aanu xusin inay 8-da Hablood ee Tahriibayaasha ku jiray la fasaxay oo Waalidkooda Gacanta laga geliyey iyo in kale.

Dhanka kale, Taliyaha Qaybta Booliiska ee Gobolka Saaxil wuxuu sheegay inay xidh-xidheen Gaadiid gaadhaya 100, kuwaasi oo ah kuwa loo yaqaanno Tukhaanka ee ka shaqeeya ee Magaalada Berbera, ka dib markii la garan waayey Gaadhiga jiidhay Meydka Nin laga helay Waddooyinka Magaalada Berbera, kaasi oo Gaadhigii Jiidhay la garan waayey.

Taliyuhu wuxuu sheegay in Dadka ku shaqeysta Gaadiidka Tukhaanku u badan yihiin Dhallinyaro aan Masuul ahayn oo wax kasta ku kici kara, sidaa darteed ay Gaadiidkan la xidhay iyo Dadka watayba ka dhex baadhayaan Gaadhigii jiidhay Qofka Meydkiisa la helay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...