Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa magaalada Buro ee xarunta gobolka Togdheer ayaa maanta xadhiga ka jaray 14 Xafiis oo ay iskood u furteen una qalabeysteen taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee magaalada Burco oo si mideysan ugu soo qul-qulaaya Xisbigaasi.
Xafiisyadan uu Murashaxu xadhiga ka jaray, ayaa waxa ka mid ahaa xafiisyo ay iskood u furteen beelaha Gabooye ee Burco.Waxaana murrashax Cirro uu buulshadaasi uga mahadceliyey sida ay heeganka ugu yihiin is badal ka dhasha dalka Somaliland.