Somaliland: Wiilka Uu Sodoga U Yahay Madaxweyne Siilaanyo Oo Muuse Biixi Ku Hubsaday Silsiladda Shirqoolka Wareejinta Dekedda Berbera

Date:

Musharraxa Xisbiga talladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, ayaa waji-gabax waxay kala kulmeen madaxda iyo maamulka Shirkadda DP World, kaddib markii codka fiitoga la saaray dalab ay kaga codsadeen dhaqaale Xisbiga KULMIYE ku galo Doorashada Madaxtooyadda.

Xoggo waftiga iyo ujeedada socdaalkooda la xidhiidha oo Wargeyska Yool ka helay ilo-diblumaasiyadeed oo ku sugan bariga dhexe, waxay tibaaxeen musharrax Muuse Biixi iyo xubnaha waftiga inay codsigooda dalabka Lacagta hor-dhigeen maamulaha guud ee shirkadda DP World Sheekh Sultan Ahmed Bin Suleyman, sidoo kalena xubnaha waftigu waxay Sheekh Sultan ka codsadeen inuu farriin ka gaadhsiiyo Amiirka Mandaqada Dubai, fariintaasoo sida illuhu xuseen nuxurkeeddu ahaa mid xubnaha waftigu Boqorradda manqada ku dareen-siinayeen taageeradii Somaliland la barbar istaagtay markii khilaafka Siyaasadeed uu ka dhex-qarxay dawladaha Khaliijka laguna go’doomiyey Dawladda Qadar, sidaas darteed xubnaha waftigu waxay dalabkooda fariinta ah uu ahaa mid dhacdada bedelkeeda ay ku codsanaayeen madaxda mandaqada Dubay inay siiso dhaqaale ay ku galaan Doorashada, isla markaana Xukuumadda iyo Xisbiga tallada haya kaga baxan dhaqaale xumida dalku galay, iyadoo weliba lagu jiro xilli xasaasi ah oo Doorasho kusoo fool-leedahay dalka.

Waxa kaloo, illaha Wargeysku xoggaha ka helay intaa raaciyeen Madaxda Shirkadda Dp World inay geestooda soo jeediyeen marti qaad isku mid ah iyo soor-yey inay u fiddiyaan saddexda Murashaxa ee ku loolamaya Doorashada Somaliland, iyagoo taa u yeelaya, maadaama aanay saadaalin-karin midka saddexda Musharrax guuleysan doonaa, hase-yeeshee sida xoggaha lagu sheegay arrinkaa casuumadda shirkada DP World ee saddexda Musharrax ay u fidisay, waxa ganafka ku dhuftay Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cirro), halka dalabka casuumadda DP World ay ajiibeen labada Musharrax ee Xisbiyadda KULMIYE iyo UCID.

Waxa xogguhu intaa ku darreen in diidmada Musharraxa WADDANI kowka tahay asbaabaha Shirkadda DP World ku diiday dalabka Lacagta ay ka codsadeen Musharraxa KULMIYE iyo Wasiirada Xukuumaddu, iyo sidoo kale xoggo badan oo la xidhiidha diidmada dadka deegaanka Saaxil kaga hor-jeedan Shirkadda DP World iyo Saldhigga Berbera kuwasoo shirkaddu ka ururisay qaybaha kala duwan ee Warbaahinta Somaliland iyo barraha bulshada.

Docda kale, xogguhu waxay daboolka ka qaadeen, in safarka Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ku tagay dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta uu ka dambeeyey Wiilka Madaxweyne Siilaanyo Sodogga u yahay ahna Safiirka Somaliland u fadhiya Dawladda Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil, kaasoo sida la sheegay Gudoomiyaha KULMIYE ku war-geliyey inuu dhaqaale ka caawinaya Doorashada uga hayo madaxda Manqada Dubai iyo Maamulka Shirkadda DP World, hase-yeeshee markii dambe arrinkaasi uu noqday hal-bacaad lagu lisay, kaddib markii maamulka Shirkadda DP World geestooda ka diideen inay siiyan dhaqaale wajigii uu doono hala-haadee, sida inay usoo qadi-maan Lacagta ku isman Kiradda sannaad laha ah ee Dekedda Berbera lagaga kirreeyey Shirkadda DP World.

Dhinaca kale, xoggaha laga helayo masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE dhexdiisa, ayaa sheegaya in masuuliyiinta sarsare ee Xisbigaasi ku kala aragti duwan yihiin safarka dhaqaale doonka ah ee musharraxoodu ku tagay dalka Imaaraadka carabta, isaggoo dhinac la ah Wiilka Madaxweynuhuu sodogga u yahay, oo sida la sheegay isaggu kamid ah shaqsiyaad madaxda Kulmiye qaarkood aaminsan yihiin dadka qalaalaasaha dhaqaale dalka geliyey, xogguhuu waxay intaa ku darreen in hoggaanka KULMIYE qaarkood u arkeen arrinkaa mid uu ku tirtiray qiimihii musharraxnimo ee u lahaa markii hore, sidoo kalena socdaalka Musharraxa KULMIYE Muuse Biixi uu ku tagay Imaaraadku yahay mid markhaati ku ah in Gudoomiye Muuse uu qayb ka yahay shaqsiyaadka ku suntan dhaxal wareejinta Dekedda iyo Madaarka Berbera, taasoo bulshada gobolka Saaxil si weyn uga soo hor-jeedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...