Beesha Yoonis Jibriil(Ciise Muuse) oo ah beel balaadhan deegaan balaadhana degta oo weliba hal bawle ah sida deegaanka biyaha berberi ka yimaadaan ee Dubaar iyo Faro Deero,isla markaana degta deegaanadaasi gobolka Saaxil iyo deegaano hoos yimaada gobolka Maroodijeex gaar ahaa beero ka badan 25 beerood ku leh deegaanka daloodho ee waqooyiga magaaladda Hargeysa,beeshan oo ah beel xaq iyo xuquuq ku leh qarankan jamhuuriyadda Somaliland ayeysan ka helin xaqii ay ku lahayd ee dastuurka iyo diinta islaamkuba u damaanad qaaday marka laga reebo dawladdii Cigaal oo beesha xaqeedii siisay u fiirso akhriste dawladdi cigaal waxay beesha siisay Duqa ahnaana maayarka Degmadda Berbera oo Madaxweyne Cigaal ilahay ha u naxariistee u magacaabay Marxuum Dayr,sidoo kale agaasimihii wasaaradda biyaha iyo maareeyihii wakaaladda biyaha ee berbera iyo saraakiil kale balse nasiib daro xukuumadda Axmed Siilaanyo oo wakhtigeedii sii dhamaanayo waxay kala masuugtay beesha inay xitaa siiso agaasime waaxeed kaliya.
Akhriste dulmiga iyo jawrka ay xukuumadda Siilaanyo ku sameysan beeshaasi dhan waa wax lala yaabo oo ka mid ah xadgudubyadda kuwa ugu waaweyn ee beel dhan oo somalilander ah laga galo. Soomaalidu waxay ku maah maahdaa “gaarka dil oo gartiisa sii ” umadda Somaliland ee garashada iyo garaadka leh waxay fahmi kartaa sida beel dhan xaqeedii loogu tuntay,hadaba su’aashu waxa weeyi xukuumadda Maanta codka ka dooneysa beelaha Somaliland oo dhan waa taasi raadkeedii iyo cadaalad daradeedii uu muuqdo oo beelihii Somaliland u kala sadburisay.
Ugu danbeyntii waxaan u soo jeedinayaa dhamaan beelaha somalilnad inay xaqqa u hiiliyaan oo ay ka fogaadaan xaq darada iyo cadaalad darada isla markaana waa inay codka ugu hiiliyaan cadaaladda iyo xisbiga WADANI oo la isku raacay in uu yahay xisbi dhexdiisa cadaaladi ka jirto Somaliland oo dhanna cadaalad u keeni kara. Qaybo kale oo taxane ah la soco akhriste. Alla Mahad leh. Afhayeenka Beesha Yoonis Jibriil Ciise Muuse. Tell: 063-4422809. Eng: Adan Maxamed.
Somaliland: Beesha Yoonis Jibriil (Ciise Muuse) Xukuumadda Siilaanyo Waxay u Quudhi-weyday Agaasime-waaxeed Afhayeenka Beesha Eng: Aadan Maxamed
Date: