Somaliland: Ololihii Xisbiyada KULMIYE Iyo WADDANI Oo Weji Cusub Yeeshay, Salaadiintii Ugu Cuslayd Oo Xisbiga Waddani U Direy Gobolada Awdel Iyo Selel + Kulamo Ay La Yesheen Salaadiinta Dhiggooda Ah Ee Kasoo Jeeda Goboladaasi & Ujeedkooda

Date:

Salaadiin, Cuqaal iyo Boqoro kasoo jeeda Beelaha Galbeedka Burco iyo Koonfurta Hargeysa ayaa socdaal ku tagay Xarunta Gobolka Awdal ee Boorama waxaanu Socdaalkani ahaa kii ugu horeeyay ee salaadiinta beelahani ku tagaan Gobolka awdal waxaanay Gogol la yeelan doonan salaadiinta dhigooda ee kasoo jeeda Gobolada Awdal iyo salel kadib soo dhaweyn balaadhan oo salaadiinta Gobolka Awdal ku qabiileen Salaadiinta Dhigooda ee kasoo jeeda beelaha Garxajis waxaa halkaas lagu yelaan doono kulamo isdaba jooga oo laysaaga xaal wareysan doono Xaalada siyaasadeed ee dalka xilligan ku sugan yahay iyo sidoo kale Halgankii siyaasadeed ee hore uu dhexmaray Beelaha Gobolka Awdal iyo Beelaha dega Galbeedka Burco iyo Koonfurta Hargeysa xilligi uu talada dalka hayay Madaxweyne Daahir Rayaale kaahin, waxaana sidoo kale Madashaas laysaaga wareystay sida ugu wanaagsan ee Beelaha Gobolka Awdal Tageeri ugu muujin lahayeen Musharaxa xisbiga Mucaaridka ee Waddani C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) .
Ugu Horeyn madal soo dhaweyna oo loo sameeyay salaadiinta beelaha Garxajis waxaa ka Hadley Suldaan Saleeban Cali Ismaaciil oo kamida salaadiinta ugu faaca weyn Gobolka Awdal waxaanu hadalo soo dhaweyn uu jeediyay salaadiinta kasoo jeeda beelaha dega Galbeedka Burco iyo Koonfurta Hargeysa waxaanu sheegay inuu ku faraxsanyahay socdaalkan ay ugu yimadeen salaadiinta kasoo jeeda Beesha Galbeedka Burco waxaana kamid ahaa hadaladiisi “ idiinka oo ka kooban Garxajiis Waxaan idiinku soo dhaweynayaa Magaca Umada degta Gobolada Awdal iyo selel, waxaan leeyahay waa Dadkiiini, waa dalkiini, meel walba waad mushaxaysaan idiinka oo danihiina dhamaysanayaa “ ayuu yidhi Suldaan Saleeban Cali Ismaaciil.
Dhanka kale Boqor Raabi Yusuf Cabdilaahi oo kamida salaadiinta soo dhaweynta loo sameeyay ayaa isna halkaas ka Hadley waxaanu si duurxula uga Hadley ujeedada socdaalkooda Gobolka awdal waxaana hadaladiisi kamid ahaa “ Waanu idiinku tixgelinaynaa Gogosha fiican, qaabiilada Fiican, iyo Hoolka fiican ee Aad nagu soo dhaweysan, hadaad tihiin Awdal iyo Selel waanu idiin mahadnaqaayna, hadalkeenu waxaa uu Noqon doona fadhi, waxaanu idiinku Nimid waad ka dheragsantihiin , Geella inagaa dhexeeya Wanaagiisa iyo Mahadnaqiisa ayaanu idiinku Nimi”
Si Kastaaba ha ahaate Salaadiinta iyo cuqaashan oo Mataalayay Beelaha garxajis ayaa magaalada borama uu tagey sidii ay dhigooda Gobolka awdal uga dalbadaan taageero ay uu fidiyaan Musharaxa jagada madaxweyneniimo ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “ Cirro.
Kadib In muddo ah oo madax-dhaqameed dalka ka soo jeedaa ay ka dhex muuqdeen ololaha xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ayuu safarkani ku soo beegmayaa kaasi oo ay ka dhex muuqdaan Madax-dhaqameed taabacsan xisbiga WADDANI in ay olole siyaasadeed oo hoose ku ekeeyaan Gobolada Galbeedka Somaliland. waxaana la filayaa in ay ku wajahaan madax dhaqameedka Goboladaasi. Waxaana la filayaa in kulamo dheeraad ahi dhex maraan labadan dhinac.
Doorashada iyo tartankeeda ayaa keenaya in Madax-dhaqameedkii xataa si adag u soo gudo galaan ololaha xisbiyada qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...