Somalia: Diyaarad Nooca Wax Basaasa Ah Oo Maraykanku Leeyahay Oo Shalay Ku Soo Dhacday Xaafad Muqdisho Ka Tirsan

Date:

Mid ka mid ah dayuuradaha wax basaasa ee aan duuliyaha laheyn, loona yaqaano Drones-ka ayaa ku dhacday degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ee caasimadda dalkaasi aynu jaarka nahay ee Soomaaliya. Dayuuradan oo ay leeyihiin ciidamada Maraykanka ayaa la sheegay iney howlo basaasnimo ah waday. Goob joogayaal ayaa sheegaya in dayuuradani ku dhacday dhul banaan oo ku yaalla agagaarka xaafada Ceymiska ayna khasaare aan sidaas u buurneyn gaadhsiisay guryo jiingado ka sameysan oo halkaas ku yaalla. Wararku waxay sheegayaan in goobta dayuuradaas ay ku dhacday ay gaareen ciidamada dowladda oo halkaas ka soo qaaday burburka dayuurada. Ma ahan markii ugu horeysay ee dayuurad ka mid ah kuwa basaasa ee aan duuliyaha laheyn ay ku soo dhacdo xaafado ka tirsan Muqdisho.
Ciidamada wax basaasa ee Maraykanka ayaa muddo dheer dalkaasi Soomaaliya isha ku haya gaar ahaan intii ay dalkaasi ka taagnaayeen xaaladaha kooxaha xag-jirka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...