Kadib markii Dorraad dad gadoodsan oo kamida qowmiyada Oromadu ay dil ugeysteen shaqaale kamida shirkadaha jaadka kuwaas oo ahaa wakiiladii shirkadahaas uu joogay Magaalada hawaaday oo kamida meelaha ugu badan ee uu ka soo Go,o qaadka yimaada Magaalooyinka kala duwan ee Somaliland.
Magaalada Hargeysa waxaa ay kamid tahay Meelaha ugu waaweyn Geyiga Somaliland ee sida weyn loogu isticmaalo Qaadka Dalka Itoobiya waxaa maalintii shalay gabi ahaan hoos udhac weyn ku yimid qaadkii ka iman jiray dalka itoobiya gaar ahaana Gobolka Oromiya waxaana taasi caqabad weyn ku noqotay Boqolal qof oo kamida dadka Isticmaali jiray qaadka iyo kuwo kale oo kamida Kuwo ka Ganacsaada Qaadka kadib markii shirkadaha qaadku wayeen cid soo dir jirtay qaadka ka yimaada Gobolka Oromiya ee dalka Itoobiya.
Qaad Aad uu kooban oo soo gadhaay Magaalada Hargeysa ayaa gaadhay qiimihii ugu sareeyay Abid ee lagu kalaa iibsaado qaadka waxaana Halkii Kiilo ee qaad ah qiimihiisui gadhaay 600 oo shiliinka Somaliland taas oo udhiganta 60$ oo lacagta Mareykanka, Halka Rubucii qaadka ahaa lagu iibinayaay 150 oo shiliinka Somaliland oo udhiganta 16$ oo lacagta Mareykanka ah, waxaana guud ahaan sida ku joogsadaay Xawligii lagu iibsaan jiray qaadka kadib markii ay awood uu wayeen qiimaha lagu kalaa iibsanaayo qaadka dalka Itoobiya.
Si kastaaba ha ahaate maaha markii ugu horeysaay ee hakad ku yimaado qaadka lagaa soo waarido Dalka Itoobiya waxaana arrintaan sabab uu ah Kacdoonka soo noqnoqnaaya ee qowmiyada Oromadu ka wado gudaha dalka itoobiya, waxaana Shirkadaha qaadku weli heegaan ugu jiraan sidii xaal ugu heli lahayeen caqabaha ka haystaa dalka Itoobiya.
Dilkii Ka Dhacay Magaalada Hawaaday Oo Samaayn Ku Yeeshay Shirkadaha Jaadka, Iyo Qiimihii Ugu Sareeyay Abid Oo Shalay Lagu Kalaa Iibsanayaay Qaad Yar Oo Yimi Hargeysa
Date: