Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Waddani Oo Soo Dhaweynta Balaadhan Ee Shacabka Gobolka Togdheer Ku Tilmaamay Fariin Muujinaysa In Kulmiye Tagay
Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ay socdaal ku tageen gobolka Togdheer, gaar ahaana magaalada Burco ayaa soo dhaweynta shacabka gobolkaasi ay u sameeyeen ku tilmaamay fariin muujinaysa in Kulmiye tagay.
Musharax Cabdiraxmaan Ciro ayaa intaa ku daray in isbaal kasta oo taariikhda Somaliland soo maray ilaa wakhtigii gobanimo doonkii Ingiriiska ay ka bilaabmeen magaalada Burco, kii ugu dambeeyeyna uu ahaa kii Burco ka dhacay 27-kii May.
Musharax Madaxweyne ee xisbiga Waddani, waxa uu khudbadiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Dhamaan shacbiga gobolka Toogdheer aniga oo Salaamaya, kuna hadlaya magaca weftiga,waxaan u soo jeedinayaa shacbiga gobolka Togdheer mahadnaq balaadhan, sida midnimada ah, sida milgaha leh, sida xamaasada leh ee aad noo soo dhaweyseen aadbaad ugu mahadsan tihiin.
Abgaal ayaa iga horeeyoo, soo dhaweyntiinu soo dhaweyn qudha may ahayn, waxay ahayd fariin, waxay ahayd taariikh, isbadal kasta oo Somaliland ka dhacay ilaa barigii gobonimada doonka Ingiriiska Burco ayuu ka bilaabmay ilaa kii ugu dambeeyey ee 27-kii May ka dhacay Burco.
Maantana fariintaasi waxa weeyi waxaad shacbiga ugu bushaarayseen in Kumiye tagay, ana bushaaro kale ayaan idiin sheegayaa waxaan ku darayaa bushaarada gobolka Togdheer, si gaar ah ayaan ugu mahadnaqayaa degmada qoyta, haweenka ugaaska iyo dhamaan dhalinyarada qoysta, waxa la igu yidhi magaaladu way biyo la’dahayoo ilaahay ayaynu madar khayr qaba u waydiinaynaa.
Laakiin waxaan isleeyahay biraha ilaa halkan lagu taxay ilaa sheikh laba riig ayay u qodi lahaayeen malaha, anagu insha allaahu qoyta iyo dalkaba biyaha waanu gaadhsiinaynaa hadii ilaahay ka dhigo mudnaanta koowaadna biyaha ayaanu siinaynaa.
Bushaarooyinka aan raacinayo ta Burco ee weyn, waxa waxa ka mid ah Waddani wuxuu u keenayaa qaranka dawladnimo tiir dhexaadkiisu tahay cadaalad, waxa kale oo aan ugu bushaaraynayaa shacbiga in muwaadiniintu ay u siinaan doonaan xuquuqda oo aanay jiri jirin eedxu inaanay ka jiri jirin Somaliland ayaan u malaynayaa, waxaanu ugu bushaaraynaynaa in aanu tirtirno qabyaalada iyo qoqobka iyo musuqmaasuqa intaba.
Waxa kale oo aan bushaaradiina sii raacinayaa bushaarada ah in Kulmiye uu ka baxay meesha.” Ayuu yidhi Musharax CAbdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).