Maayarkii hore ee degmada Berbera Xildhibbaan Cabdalle Maxamed Carab (Cabdalle Sandheere) oo ka mid siyaasiyiinta ugu saamaynta badan gobolka Saaxil ayaa shaaciyay in uu ka baxay xisbiga KULMIYE, waxaanu sheegay in uu ku biirayo xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.
Maayarkii hore ee degmada Berbera Xildhibbaan Cabdalle Maxamed Carab (Cabdalle Sandheere) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu yidhi “waxa aan jecelahay maanta in aan caddeeyo mowqifka siyaasiga ah ee aan qaatay oo ah in aan ku biiro xisbiga WADDANI oo mowqifkayga siyaasiga ah aan ku go’aansaday” ayuu Xildhibbaan Cabdalle Maxamed Carab (Cabdalle Sandheere).
Maayarkii hore ee degmada Berbera Xildhibbaan Cabdalle Maxamed Carab (Cabdalle Sandheere) waxa uu sidoo kale farriin u diray taageerayaashiisa iyo guud ahaan bulshada reer Berbera waxaanu yidhi “marka waxa aan farayaa taageerayaashayda reer Somaliland iyo asxaabtayda maanta in aan arrintaa idin caddeeyay wixii hadal ah iyo sababaha waxa aan dib ugu dhiganayaa xafladaha danbe” ayuu yidhi Cabdalle Sandheere.
Maayarkii hore ee degmada Berbera Xildhibbaan Cabdalle Maxamed Carab (Cabdalle Sandheere) ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ugu miisaanka culus ee gobolka Saaxil, Xildhibbaan Cabdalle Sandheere ayaa waxa lagu xasuustaa waxqabadka ballaadhan ee uu ka hirgaliyay magaalada Berbera wakhtigii uu ahaa Maayarka gollaha deegaanka degmada Berbera.
Maayarkii hore ee degmada Berbera Xildhibbaan Cabdalle Maxamed Carab (Cabdalle Sandheere) ayaa sidoo kale waxa uu yahay saaxiibka koowaad ee Maareeyihii hore ee dekedda Berbera Eng Cali Maxamed Cumar (Cali Xoor-xoor).