Somaliland: Dad Badan Oo Kamid Ah Ganacsatada Qaadka Oo Intooda Badan U Dhasheen Somaliland Oo Shalay Lagu Laayay Magaalada Haawaday Ee Dalka Itoobiya+Cidda Dishay,Tirada Dadka Dhintay Iyo Sababta Loo Laayay

Date:

Allah haw naxariistee rag tiradooda lagu sheegay ilaa 17 qof isla markaana badankoodu kasoo jeeda dhalasho ahaan Somaliland ayaa shalay siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Haawaday ee dalka Itoobiya.

Raggan la laayay oo dhamaantood ahaa shaqaalihii ka shaqaynayay Maqsinada Qaadka ee magaalada Haawaday ee Qaadka looga soo diro dhinaca Somaliland ayaa shalay iyaga oo shaqo maalmeedkoodii caadiga ahaa ku jira ayaa waxa si kadis maqsinadii Qaadka ee ay ku shaqaynayeen ugu soo galay boqolaal Qof oo Qoomiyadda Oromada ah,kuwaas oo la sheegay inay ka biyo diidsanaayeen taageero la sheegay in Qoomiyadda Somalida ee ku dhex nool Itoobiya ay taageertay hawl gallo ay dawladu kaga hortagaysay Kacdoonadii Oromada ee sanadkii hore dhamaadkiisii ka dhacay dalka Itoobiya,ayaa markii ay dadkan Oromada ah ee gadoodsani ay galeen Maqsinadii waxay rasaas la dhaceen raggii Qaad-waleyaasha ahaa ee maqsinada ku sugnaa,qaarkoodna ay Majooyin ay siteen qudha kaga jareen,halka ay qaar kalena kasoo tuureen dabaqyo ay ku jireen.

Wargeyska Himilo oo xalay la xidhiidhay magaalada Haawaday ayaa loo sheegay in gabi ahaanba maqsinadii Qaadka ee Haawaday albaabada loo laabay oo aanay shaqaynayn kadib markii shaqaalihii Qaadka ee dhagartaa ka badbaaday ay nafahooda ula carareen dhinaca magaalada Herer,waxaana la sheegay in wakhti xaadirkan ku jiran dadkaasi Somalida ah xero ciidan oo halkaasi ku taala isla markaana ay badbaado bideen.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa keentay in ganacsatadii Qaadka ee ku sugan SOmaliland sida Caasimada Hargeysa inay waayaan cid ay ku hagaajiyaan Lacagtii Qaadka ee ay diri jireen.

Dadkan la laayay ayaa waxay iskugu jiraan Kaariyiin,Khasnajiyo,Darawaliin,Iibiyayaal Qaad,Raaciga Qaadka iyo shaqaale hoosaad kale,sidaas awgeed Wargeyska Himilo waxa uu halkan idinku soo gudbinayaa allah haw naxariistee magacyada Lix qof oo kamid ah 17-kii qof ee lagu laayay magaalada Haawaday isla markaana ay laayeen qoomiyadda Oromadu waxaana ay kala yihiin.

Cabdiqaadir Aadan Xuseen, Cismaan Cawdal, Guuleed Hambase, Cabdilaahi Fadhaase, nin naanaystiisa naloogu sheegay ( Aan is dilno) iyo Axmed Faraqe,waxaana allah haw-naxariistee kamid ahaayeen dadkii lagu laayay Haawaday ee ay laayeen qoomiyada Oromadu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...