Shirkan Oo Ka Dhinac Furmaya Shir Sannadeedka Guud Ee Qaramada Midoobey Ayaa Waxa Lagaga Hadlay Arrimo Khuseeya Somaliland Iyo Soomaaliya
Dawladda Qatar ayaa ku casuuntay Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo shir gaar ah oo bishan ka dhacaya magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dawladda Qatar ayaa ka dhinac furmaya shir sannadeedka guud ee Qaramada Midoobey.
Sii Hayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohamed ayaa magaalada muqdisho kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.
Shirkan ayaa lagaga hadlayaa xidhiidhka iyo iskaashiga labada u dhaxeeya labada dal ee Qadar iyo Soomaaliya iyo siddii loo soo xoojin lahaa midnimada iyo wada-jirka Soomaaliya.
Labo casuumaad oo ka kala yimid Amiirka Qatar iyo Wasiirka Arrimaha Diabdda Qatar ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiir Yuusuf Garaad la gaadhsiiyay
War Kooban oo lagu faafiyay barta Facebook ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasiir Yuusuf Garaad uu guddoomay casuumadahaas.
Dowladda Soomaaliya ayaa bishii June ee sannadkan mowqif dhex dhexaad ah ka qaadatay xiisadii siyaasadeed ee dalalka Khaliijka, kaddib markii Xulafada Sacuudiga hoggaaminayo ay xidhiidhka u jareen dalka yar ee Qatar.
Xukuumadda Somaliland ayaa iyadu dhinaceeda taageertay xulufada uu hoggaamiyo Sucuudigu ee xidhiidhka u jaray dalka Qatar, balse xukuumadda Somaliland way ku khasaaratay taageeradeeda.