Somaliland: Yoonis Cali Nuur Dacwadii Uu Iga Gudbiyay Markaanu Wasaaradda Warfaafinta Ka Wada Tirsanayn Tolow Isaga Miyaanay Qabanayn, Mise Sharciga Dalku Wixii New Kulmiye Tageera Ma Qabto?!!..Muniir Axmed Cigaal

Date:

Wuxuu aha macalin Saxaafadda Somaliland iyo Somalidaba tababara, oo anshaxa iyo asluubta u dhiga, in kabadan 30 sanno ayuu kamid aha haldoorkii ka hawl galayay Ilaacadda BBC laanteeda Soomaaliga. Waa wariyaha ruug cadaaga ah ee Yoonis Cali Nuur oo siweyn war baahinta uga soo muuqday isagoo ku musanaayaba degaanka uu ka soo jeedo inay u codeeyaan Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxaanu ka soo wada shaqaynay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo uu ilaa hadda ka mushahar qaato kana tirsanyahay, waxaan kamid ahaa intii ku soo dhawaysay ee ku faraxday inay nasiib u yeeshaan inay Yoonis Cali Nuur goob ka wada hawlgalaan khibradiisa awgeed..
Bishii labaad ee sannadkii 2016-kii, oo la hilaadinaayay inay qabsoonto doorashada Golaha Wakiiladu ayaan shaaciyay inaan isu sharraxay Xildhibaan Golaha Wakiilada ah, waxa markaas qorshahaygu aha inaan dhawaaqayga shaaciyo, kadibna shaqada ka ruqsaysto, intaanay maalin ka soo wareegin maxa dhacay.. Habeenkii aan shaaciyay murashaxnimada subaxeedi hore ayuu Yoonis Cali Nuur ku soo kalahay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, shir ayuu abaabulay ay ka qayb galeen dhammaan Madaxdii Wasaaraddu oo Wasiir Cadaani kamid yahay, markii ajandaha shirka Yoonis la waydiiyay ajandaha shirka wuxuu taxay dood nuxurkeedu aha. ” Xeerarka caalamiga ah iyo kii aanu ku soo shaqaynay ee BBC iyo midka suxufigu waxay dhigayaan in aan mihnada saxaafadda iyo siyaasaddu is gali karin sidaa daraadeed Muniir mar haduu dhawaaqay waa in aanu kasii mid ahaan Wasaaradda Warfaafinta “.
Dooda iyo dacwada Oday Yoonis Cali Nuur ee wagaas xaggayga ku aadana ma sharaysan mana dhibsan, in kasta oo sidaan shaqada kaga tagay ahayd hanaan aan sharciga loo marin, hadana tiraabta dacwada Yoonis Cali Nuur wuxuun baan u arkaayay Suxifi ay dirayso khibrad faraysa in mihnada war-baahintu ka dheerato dhinac saarka mid kamid ah mawqifyada siyaasadeed ee hirdamaaya.
Nasiib darro dhawaaqii dhiilada laha ee magaalada Arabsiiyo uu kaga musanaabay, oo weedhaha qaarkood dhaqanka bulshada dhaawacaayay, xitaa iskadaa Yoonis Cali Nuure waxa qariib ah inay weedhahaasi ka soo baxaan ruux maangaab ah oo aan fikirkiisu dheerayn.
Haddaba su’aashu waxay tahay falka Muusanowga ah ee uu jilayaasha siyaasadda Somaliland mid kamid ah uu si qabyaladaysan ula saftay, isagoo waliba Wasaaradda Warfaafinta ka qaata mushahar cashuurtii dadweynaha Somaliland oo Xisbi kasta ku jira, taasi anshaxa Saxaafadda BBC ee Yoonis Cali Nuur marjaca u ah, dhexnimada saxaafadda, asluubtii Odaynimo iyo midiisi macalinimo ee Warbaahinta dayarta uu macalinka ugu aha ay ahayd inay ku daydaan, intaas oo dhan miyay xalaaleynayaan dhawaaqa Yoonis Cali Nuur mise waa xaaraan oo Oday Yoonis shaydaan ayaa qaaday iyo qiiro caadifadeed..??
Mise taydii ayaa shuruucda khilaaf sanayd oo ta Yoonis Cali Nuur ayaa shuruucdu banaysay.. Bal adba ..
Allow Alleh Alleh .
Muniir Axmed Cigaal .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...