Somaliland: Wasaaradda Maaliyadda Oo Ka Gubatay Eedaymo Lagu Xidhiidhiyay Inay Kastamada Cashuurta Kalabaydh Iyo Saylac Xadi Lacag Ah Uga Saareen Xisbi Xaakimka Kulmiye

Date:

Qaar ka tirsan masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa ka hadlay eedaymo culus oo kaga yimid Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,Eedahaasi oo ku saabsanaa lacag xadigeedu badan yahay oo Wasaaradda maaliyaddu Qasnadaha lacagta ee kastamyada Cashuurta ee kalabaydh iyo Saylac uga saartay Xisbiga Kulmiye,arintaasi oo dareen horleh dhalisay islamarkaana ku soo beegan tahay Wakhti Xisbiga Kulmiye Olole balaadhan ku soo maray Gobolada Awdal,Gabiley iyo Deegaamo ka tirsan Gobolka Maroodi jeex ee Hargeysa Todobaadkan.
Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Yuusuf Xasan Umal oo ka hadlay Jaraa’id oo ay qabteen oo ay ku beeniyeen arintani,ayaa waxa uu ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay sidan “Xisbiga WADDANI Afhayeenkiisu arimo badan ayuu runtii ka hadlay,taasoo ahayd in Qasnadaha Kalabaydh iyo Saylac laba Boqol Oo Kun Oo Dollar looga saaray Xisbiga Kulmiye ee uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi, Arintaasi runtii waa arin aan waxba ka jirin,Waana arin ku cusub Siyaasadda Somaliland,Waa arin inagu Cusub in la yidhaa Kastam ayaa lacag laga saaray,Arintaasi runtii waa arin aan waxba ka jirin,Waxaanu idiin sheegaynaa,kastamadu baanan maaha,Wixii ka soo xerooda Maalin walba waa la shubaa,Waxaa lagu shubaa Bangiyada Dawlada,Waxaanay soo martaa Nidaamka,laakiin Lacag lagu kaydiyo kastamiska majirto,waana runtii waxaan jirin, Aniga oo ku hadlaya Afka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Cid aan amray iyo Cid aan ku idhi laba boqol oo kun oo Dollar siiya Xisbiga Kulmiye majirto,Xisbiga WADDANI Waxa uu sheegay inuu Cadaymo hayo, laakiin Cadaymaha Miiska ayaa la soo dhigaa”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay
Masuul kale oo ka tirsan Saraakiisha Cashuuraha Kastamayadda Wasaaradda Maaliyadda Oo Shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa isaguna waxa uu yidhi“Waxaan idiin sheegayaa Wararka la leeyahay Kastamka Kalabaydh ayaa lacag lagala Baxay inaanay waxba kajirin,inay tahay Wax aan waxba jirin,Kastamka kala baydha Maalin walba lacagta cashuurta ah ee lagu qabto,waxaa lagu Xereeyaa baanka Gabiley, Waxa ka Markhaati ah Xisaabiyaha Joogga,Waxaa ka markhaati ah Ciidamada Cashuur Illaalinta,Waxa ka markhaati ah Kuwa Cashuurta laga qaado,Kastamadayada ugu waa weyn haddii ay tahay Berbera,Saylac,Kalabaydh,Boorama,Iyo Airport-ka Hargeysa,Maalin walba wixii ka soo baxa waa la xereeyaa,Waxay soo mariyaan Xisaabiyaha Guud, Wakiilkiisa u jooga goobta dabadeed waa la xereeyaa,Waxaanu wasiir codsanaynaa cidii waxaas tidhi inay soo cadeeyaan,oo sharciga la horkeeno”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay masuulkani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...