Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa Xisbul-Xaakimka KULMIYE ku eedeeyay inuu Olole aan Xilligiisii la gaadhin ka bilaabay Gobollada Dalka qaarkood, gaar ahaan Gobollada Galbeedka.
Shir-jaraa’id oo Masuuliyiin ka mid ah Xisbiga UCID Shalay ku qabteen Magaalada Hargeysa ayaa waxay ku sheegeen inay ka xun yihiin in Xisbiga KULMIYE uu Sharciga baal-maro isla-markaana iyadoon ololihii la gaadhin, Komiishankuna aanu fasixin uu olole bilaabo, waxayna su’aal geliyeen Cidda Awood u leh in Xisbul-xaakimka Sharciga ku ilaalin karta.
Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi oo ka mid ahaa Masuuliyiinta UCID ee Shirka Jaraa’id kaga hadlay Arrintan ayaa yidhi “Wakhti Aakhiru-samaan baynu joognaa, Xisbi Mucaarad ah ayaa wuxuu Xisbul-xaakimkii ka baryayaa Sharciga aynu ilaalinno, waxay ahayd in Xisbiga Mucaaradka ah la baryo oo la yidhaahdo Sharciga ilaali.”
Xoghayaha Warfaafinta UCID waxa kale oo uu sheegay “Haddii Maanta la is-yidhaahdo Sharci-darrada uu Dalka ka sameeyay KULMIYE tiriya wax la tirin karayo maaha.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Markii hore Qaybta Galbeedka ayuun baa ogeydeen waxay ka samaynayeen, laakiin Saaka (shalay) barina way tageen oo waxay ka ololeynayaan Balli-kaliil, iyagoo Dhiiggii Dadkan iyo Cashuurtii Dadka Masaakiinta ah laga ururiyey ku ololeynaya, markaa waxaan leeyahay Nimanka Sharcigii Tuurta ku qaatay Ciddii qaban lahayd aynu helo”
Xoghayaha Warfaafinta UCID wuxuu su’aal geliyey Cidda Musharraxa KULMIYE ku ilaalinta karta Sharciga “Imika ayaa Muuse Biixi lagu odhan kari la’yahay Sharcigaad jabisay, ee Hadhow yaa ku odhanaya waad dhacday ..”?ayuu yidhi.