Masuulyiinta xisbiga Waddani ee ka soo jeeda degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31 May ayaa kulan is xogwareysi ah la yeesheen haween weynaha labadaasi degmo, kuwaas oo si qoto dheer uga wada hadlay sidii loo dardar galin lahaa taageerada xisbiga Waddani ay u hayaan dadka ku nool labadaasi degmo isla markaana meel looga soo wada jeesan lahaa.
dhinaca kale haweenka ka soo jeeda Degmooyinka 31 May iyo Axmed Dhagax ayaa waxaa ay cadeeyeen inay taageero buuxda ee ay la garab taagan yahiin xisbiga Waddani, isla markaana ay tuureen heeryadii xisbiga Kulmiye.
Ugu horayn, Xuseen Aadan Cade Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-Jeex ee xisbiga Waddani oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxa la idiinka fadhiyaa mar hadii aynu Haween waynihii labadaa degmo (Axmed Dhagax iyo 31-ka May) aynu la joogno inaad xisbiga Isgarab taagtaan oo madaxdiina aad isgarab taagtaan oo hiil iyo hooba aad u hurtaan oo degmooyinka aad timaadaan oo aynu kala qaadano warka halka ay hadba wax marayaan.” Ayuu yidhi Xuseen Aadan Cade, Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex ee xisbiga Waddani.
Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Xoghaye ku xigeenka Warfaafinta ee xisbiga Waddani Cabdisalaan Maxamuud Ducaale (Ilka-case), waxaanu kula dardaarmay haween weynaha degmada Axmed Dhagax iyo 31-ka May inay cududooda iyo codkooda sidaa ay ugu taageereen xisbiga Waddani Musharax Cabdiraxmaan Ciro ay aad u xoojiyaan, isla markaanta inta kale ee madashan aan ka soo qaybgalina ee maqana ay gaadhsiiyaan in Beelaha Dega Degmooyinkan Axmed Dhagax iyo 31-ka May in maanta loo guuray Xisbiga Waddani, lagana soo guuray xisbiga Kulmiye.
“Waxaan Idinkula Dardaarmayaa In Idinka Iyo Inta Kale Ee Madashan Aan Ka Soo Qaybgalina Ee Maqana In Aad Gaadhsiisaan In Beelaha Axmed Dhagax Iyo 31-Ka May Ay Iskugu Biyo Shubteen Oo Maanta Loo Guuray Xisbiga Waddani, Lagana Soo Guuray Xisbiga Kulmiye” Xoghayahe ku xigeenka Warfaafinta Xisbiga ee Waddani.
Sidoo kale waxa isaguna Madashaasi ka hadlay Xuseen Axmed Caydiid, kaas oo sheegay in deegaankoodu uu yahay ka ugu dayacan isla markaana aanay jirin sabab ay meel kale u maraan, sidaa darteedna ay maanta go’aansadeen inay xisbiga Waddani iskugu biyo shubtaan.
Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah Siyaasiyiinta xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Haday Nadaafad tahay, haday biyo tahay iyo haday waddo tahayba iyo haday caafimaad tahay iyo haday waxbarasho tahay deegaamada ugu liita ayaynu nahay, Muxuu Codkeenii inoo Gooyey, dadkaynu balanta la galnay maye.” Ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid.
Sidoo kale Siyaasi Cabdi Haybe oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Todobadaa sano ee kulmiye haystay talada dalka, dhinac kasta oo adeegyada bulshada ah wax ka soo gaadhay deegaanadan Axmed Dhagax iyo 31-ka May ma jirto, waynu ka qatanay ilaa imika” ayuu yidhi Siyaasi Cabdi Haybe.