Mujaahid Cali Guray oo erayo qaawan ugu ololayey Xisbiga Kulmiye goor u ka hadlayey Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Balse Muxu Ka Yidhi
SOO GAADHA GACALKIIN
ADUUN GELINBA WAA CAYNE
كل شي يرجع الى اصله
Xildhibaan Siciid Cilmi Roble oo dib ugu soo noqday xisbigiisii uu ka soo baxay. Xildhibaan Rayte ayaa isaguna ka horeeyay oo dib ugu soo noqday Kulmiye. Caligurey oo isagu sideed sanadood Kulmiye ka maqnaa weeraro culus oo joogto ahna ku hayay ayaa ka horeeyay oo markii ay dani u run sheegtay uu ku qancay in aan Xisbi kale oo maanta Kulmiye u dhaama Somaliland aanu jirin halkii uu siyaasadda ka bilaabay isna dib ugu soo noqday. Shaki kuma jiro in sedexdan siyaasiba ay yihiin rag kaalintooda ku filan oo aan looga soo dhici karin Kulmiye dhankooda waayo waxay dheer yihiin reer Kulmiye waayo aragnimada xisbiyada kale iyo casharada ay ka soo barteen