Yaab: Aabe Wiil Yar Oo Uu Dhalay Ka Seexday Oo Maxkamadi Xukuntay Iyo Sababteeda !

Date:

Waa arrin aad u layaab badan in waalidku uu diir nixi waayo ubadkiisa, balse mararka qaar ayaa waxa qofka maandooriyaha la qabtimaa uu dayacaa naftiisa iska daa cid kale oo uu ilaaliye.

Haddaba, waalidka magaciisa la yidhaahdo Ryan Young oo u dhashay Dalkaasi Britain ayaa waxa uu cabay sideed dhalo oo khamri ah, kadibna waxa uu galay hurdo aad u dheer, isagoo ay la gudbooneyd inuu ilaaliyo wiilka yar ee uu dhalay, maadaama oo xaaskiisu bannaanka ku maqneyd awgeed, waxa kale oo aad u sii layaab noqotay in wiilkan yar ee uu dhalay uu jiray muddo saddex toddobaad ah oo qudha, haddaba markii uu Eygii guriga u joogay soo weeraray wiilkiisii yaraa ee la odhan jiray Reggie ayaa waxa Ryan maqli waayay qayladii iyo cabbaadkii ka yeedhayay wiilkiisa yar weerarkan uu eygu wiilka yar ku soo qaaday ee uu ku cunay ayaa waxa uu socday muddo 20 daqiiqo ah, waxaan arrintaasi uu ogaaday markii ay xaaskiisi ku soo noqotay gurigii ee ay bilawday inay barroorato markii ay ogaatay in ilmaheedii yaraa Eygii uu cunay ninkeediina uu hurdo ku jiro.

Waalidkan ayaa waxa lagu xukumay xabsi waxaana lagu soo eedeeyay inuu dayacay ilmihii uu dhalay isla markaana uu kaga ag tagey Ey halis ah, waxaana lagu xukumay xadhig dhan 21 bilood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...