Somaliland: “Madaxweynaha Iyo Xukuumaddiisaba Waxaan Leeyahay Dadkii Baahi Baa Haysa” Xildhibaan Axmed Gacan

Date:

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Guddaha iyo Nabadgalyada ee Golaha Guurtida Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), ayaa walaac ka muujiyey xaalada nololeed ee dadka degan Deegaanada Miyiga, waxaanu sheegay in deegaano badan oo ku yaala Miyiga oo uu socdaal ku maray, uu ku arkay dad badan oo aad u dhiban, oo wax la taray oo muuqda aanu ku arkin, waxaanu tilmaamay in dadkaasi u baahan yihiin gurmad deg deg ah.

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Guddaha iyo Nabadgalyada ee Golaha Guurtida Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan),oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale talo u soo jeediyey Xisbiyada, waxaanu ugu baaqay inay ka dheeradaan qabyaalada iyo caadifada, waxaanu ugu horeyn yidhi “Waxaanu marnay deegaano badan oo ku yaala dalka, gaar ahaan deegaano u badan Miyiga, ilaa Deegaanka Bali Obsiiye, ayaanu tagnay, dadkii waxa ka muuqda baahi, dadkuna waa kuwii caydhoobay, ee ku caydhoobay Abaartii, Dawlad iyo Hay’addo wax siiyaana dadkii ma jiraan, baahi aad u balaadhan baa dadkii haysta, waanu maqlaynay iyadoo la leeyahay Xoolo iyo Raashin baa la siinaya, dadka balse in aanu maray Deegaanadan wax dadka la siiyey maanu arkayn, Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisaba waxaan leeyahay dadkii baahi baa haysa,abaar iyo xagaa kulul baa dhacay, ee dadku yaanu bakhtiyine wax ha lala soo gaadho”.

Xildhibaan Axmed Gacan oo ka hadlay Doorashada ayaa yidhi “Axsaabta Qaranka ha ku tartamaan tartan ka madhan qabyaalad iyo caadifad, oo nabadgalyada ha la ilaaliyo, oo Barnaamij iyo Siyaasad wanaagsan ha ku tartamaan, oo ha ka dheeraadan wax walba oo dadka kala fogaynaya, ILLAAHAYNA waxaan ka baryayaa inay inoo dhacdo Doorasho wanaagsan oo xor iyo xalaal ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...