Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa Wasiirro, Agaasimeyaal, Badhasaabbo iyo Maayarrada Magaalooyinka Dalka qaarkood ku eedeeyay inay Hawlihii ay Qaranka u hayeen u dayaceen u ololayn Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbul-Xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.
Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiska WADDANI ku leeyahay Hargeysa, ayaa sheegay in Wasiirrada Xukuumadda, Wasiir ku-xigeenno iyo Masuuliyiin kale oo Dawladeed ay Shaqadii Qaranka kaga habsaameen inay hadba Gobol u raacaan Musharraxa Madaxweynaha KULMIYE oo uu ku eedeeyay inuu Gobollada Gabiley iyo AWDAL ka wado olole aan sharci ahayn.
Afhayeenka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaad ka war-haysaan in KULMIYE loo fasaxay inay ka hadlaan Khayriyadaha Magaalooyinka Gabiley, Boorama, Wajaale iyo Allaybaday, halka WADDANI loo diidayo inuu Xafiisyadiisa hortooda kala hadlo Taageerayaashiisa, iyadoo loo adeegsanayo Badhasaabbada iyo Booliiska, waa Arrin Fool-xumo ah oo aan loo dul-qaadan karin, keeni kartana in Arrintu si kale isku rogto haddii laga digtoonaan waayo.”
Xildhibaan Buubaa waxa kale oo uu sheegay “Badhasaabbada Gobollada ayaa la socday Musharraxa KULMIYE, tusaale ahaan Badhasaabka Saraar ayaa ordayey Boorama iyo Gabiley, maxaa ka yaalay ee keenay inoo Xisbul-xaakimka uga ololeeyo Gabiley iyo Boorama, isagoo soo dayacay Hawlihii Qarankani u edmaday ?. waxa kale oo Weftigaa ka dhex muuqday Maayarrada Gabiley iyo Boorama iyadoo toodii dayacan tahay, iyagoo weliba Cashuuraha ay Dawladaha Hoose qabtaan KULMIYE kaga bixinaya ololahaa Sharci-darrada ah ee uu ku jiro.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Waxa kale oo ka dhex muuqday ugu 27 Agaasime-waaxeed oo Wasaaradaha Qaranka ka shaqeeya, waxa kale oo ka dhex muuqday intaas oo Wasiir, Wasiir ku-xigeenno ama Wasiiru-Dawleyaal oo Xafiisyadoodii Haawanayaan, Arrintaasina waa Ceeb soo food-saartay Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE ee is-huwan. Waxa taa ka sii daran Gaadiidkii Dawladda ee GT-ga ahaa oo lagu xaragoonayo, oo aan laga xishoonayn, lala baqanayn oo si badheedh ah uga dhex muuqda Ololaha Xisbiga KULMIYE.”