Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Shalay kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Xisbiyada Qaranka, waxayna u soo jeediyeen in Gacmaha la isku qabsado sidii Doorashada Madaxtooyadu si Habsami ah ugu qabsoomi lahayd, isla-markaana Gacmaha la isku qabsan lahaa.
Guddoomiyaha Komiishanka Qaranka, ayaa sheegay in Doraad la soo gebogabeeyay Qaadashada Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashooyinka oo ka socday Sool iyo Sanaag oo ahaa Labadii Gobol ee u dambeeyay, waxaanu tilmaamay in Kaadh-qaadashadu si wanaagsan oo Nabadgalyo ah ugu qabsoontay.
“Labadii Gobol ee ugu dambeeyay oo ahaa Sool iyo Sanaag ayaynu ka soo baxnay oo aynu Doraad soo gebogabaynay, halkan ayayna inoo yaallaan Sanaaduuqdii iyo wixii Kaadhadh ah ee soo hadhay.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo ka hadlayey kulanka ay la yeesheen Xisbiyada iyo Ururrada Bulshada, waxaanu intaa ku daray inay Bisha October ay soo bandhigi doonaan Liiska kama dambaysta ah ee Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka “Liiska Cod-bixiyeyaasha ee kama dambaysta ah waxaanu soo saari doonaa Toddobaadka ugu horreeya Bisha October, 2017, si daah-furana way noqon doontaa waxa kaadhadh la qaatay, waxa soo hadhay iyo waxay guud ahaan Kaadhadhku ahaayeen markii hore.”
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinku waxa kale oo uu sheegay “Waxaynu galaynaa Wejigii Saddexaad oo ah Gelintaanka Doorashada, markaa Farsamo ahaan, Aqoon ahaan, diyaar ahaan Komiishanku wuu ka dhan yahay. Markaa waxa inala gudboon iyadoon Qofna Qof lagu xumaynayn, oo aanay ahayn Toddobadan Xubnood ee Komiishanka Ceebeeya, ku riixa iyo daba-gala, waxa loo baahan yahay Qof kasta oo Reer Somaliland ah inaynu Gacmaha is-qabsanno, Waayo? waa Doorasho Adag oo nooceedu innagu cusub yahay, Waa Doorasho Dadku Wada siyaasi noqday oo diyaar loo yahay in Yar iyo weynba la galo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Markaa waxaanu doonaynaa in wax walba dhinaca wanaagsan laga istaago oo wax walba dhinaca wanaagsan laga eego, Qof kastana meeshii kaga gudboon (uu ka galo), waxaanu idiinku yeedhayna waa sidee Doorashadaa loo galaa iyadoo Reer Somaliland oo dhami Gacmaha is haystaan.”