Somaliland: “Dekedda Berbera Looma Wareejin Dan Somaliland Leedahay”

Date:

Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa sheegay inaan dekedda Berbera lagu wareejin dan Somaliland leedahay, waxaanu tilmaamay in hawlgaladii aqoonsi raadisku uu hoos u dhacay mudadii xukuumadda Siilaanyo talada haysay.

Md. Jirde oo hadal ka jeediyay madal uu habeen hore kula kulmay dhallinyarada Degmada Axmed Dhagax ee Hargeysa oo uu ugu soo bandhigay qorsheyaasha horumarineed ee Waddani hadii uu talada ku guulaysto wuxuu sidoo kale tilmaamay inay hay’adihii dawladu dumeen, “Waxaad la socotaan hay’adihii dawlada. Baarlamaankii wuu dhintay, guurtidii way inaga dhimatay, maxkamadihiina way inaga dhinteen intaas oo dhana waxa curyaamiyay xukuumadda.” ayuu yidhi Jirde.

Isagoo ka hadlaya dekedda Berbera ee la wareejiyay wuxuu yidhi “Haddii aad la socoteen doodihii markii dekedda la wareejinayay qaabka loo wareejinayay waad la socoteen, dekedda dan Somaliland leedahay looma wareejin. Waxa jirtay labadii dawladood ee dawladan ka horeeyay aad baa ictiraafka loogu dedaali jiray meel ayaa la soo gaadhsiiyay imikana wax ictiraaf hadal haya maynaan arag.” ayuu yidhi xildhibaan Jirde.

Wuxuu dhallinyarada ugu baaqay inaanay daawadayaal ka noqon xaaladaha siyaasadeed iyo doorasho ee dalka balse ay doorkooda qaataan oo ay si weyn uga qayb qaataan doorashada islamarkaana u codeeyaan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo uu ku tilmaamay mid dalka badbaadinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...