Somaliland: Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Nasiib-darro Ku Tilmaamay In Xoolaha Somaliland Laga Dhoofiyo Jabuuti

Date:

Guddoomiyaha xisiga mucaaradka ah ee UCID, ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaas Eng. Faysal Cali Waraabe oo khudbad ka jeediyey Munaasibad loo sameeyay Arday ka qallin-jabiyey Jaamacadda Camuud ee Magaalada Boorama, ayaa eedaymo u soo jeediyey Xukuumadda Somaliland ee Xisbiga KULMIYE.

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay Dalka baylihisay isla-markaana Xaaladdu marayso in Xoolaha Somaliland laga dhoofiyo Dekedda Dalka Jabuuti, halkii ay ka ahayd in laga dhoofiyo Dekedda Berbera.

Faysal oo ugu horreyn ka hadlaya Horumarka dhinaca Jaamacadaha ee Somaliland ka hirgagalay ayaa yidhi “30-kii sannadood ee aynu Soomaaliya ku jirnay Boorama hal Guri oo Dabaq ah ma lahayn, Somaliland oo dhan ma lahayn hal Jaamacad, markaynu Dalkeena Gacanta ku qabsanay ayaynu ka talinay inaynu Waxaas dhisanno ee aynu ILAAHAY uga Mahad-naqno Calanka uu inoo soo celiyey.”

Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID waxa kale oo uu ka hadlay Xoolaha Somaliland ee laga dhoofiyo Jabuuti “Maanta markaan ku soo socday Boorama waxaan arkay intaas oo Geel ah oo socota, waan yaabay oo waxaan idhi Geelani halkuu ku socdaa ? waxa la igu yidhi Jabuuti buu ku socdaa (oo laga dhoofinayaa), waa nasiib-darro in Maanta Xoolaheennii (Ka dhoofayaan Jabuuti), yaase ka masuul ah Baylahdaa? Waxaan is idhi KULMIYE haddaanu wakhtigiisu dhammaan wuu innagu soo qufuli doonaa (Dalka)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dhallinyarada waxaan leeyahay waa inaad kacdaan oo aynu isbeddel keenaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...